Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka garabk uga ciyaara liverpool Stewart Downing Oo Tijaabada Caafimaadka Ku Maraya London.

( maantasomaliland) Sky Sports ayaa ogaatay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Stewart Downing inuu ku dhow yahay inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda West Ham.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England ayaa u muuqda mid soo gabagabeynaya labo sanno oo aan guulo u aheyn oo uu ku qaatay Liverpool tan iyo markii uu 20 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Aston Villa.

29 jirkaan ayaa loo sheegay xilli ciyaareedkii hore inuu dheeri ku yahay ciyaartoyda uu u baahan yahay tababare Brendan Rodgers ka hor inta uusan u dagaalamin inuu qorshaha tababaraha ka mid noqdo.

Laakiin haatan ka dib 65 kulan oo horyaalka ah oo uu kooxda u saftay waxa uu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo West Ham iyadoo heshiis lagu dhow yahay.

Sky Sports ayaa ogaatay in heshiiska la isku raacay uu yahay 5 milyan ginni, waxaana Downing laga sugayaa London si uu maanta tijaabada caafimaadka ugu maro.

Haddii heshiiska la dhameystiro Downing waxa uu ka garab ciyaari doonaa Andy Carroll oo isna xagaagan ka soo tagay Anfield.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com