Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryanka Barcelona ee Jordi Alba: Barca Kuma Qanceyso Kaliya Hanashada Horyaalka Xilli Ciyaareedkan.

(maantasomaliland) Jordi Alba ayaa sheegay in Barcelona aysan ku qanci doonin kaliya hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Blaugrana ayaa hanatay La Liga xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaa Copda del Rey ka reebtay Real Madrid halka Champions League ay ka reebtay Bayern Munich.

Waxaana daafacan uu qirtay in kooxdiisa ay rajeyneyso inay koobab badan qaado xilli ciyaareedkan.

“Maya, kuma qancayo kaliya hanashada horyaalka” ayuu Jordi Alba u sheegay jariirada Marca.

“Koox sida Barcelona ah waa inay u dagaalanto koob kasta oo ay ku jirto. Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano wax walba – horyaalka, Copa del Rey, Champions League iyo Supercopa.

“Waa run xilli ciyaareedkii hore Champions League si fiican uma aanan ciyaarin. Bayern Munich ayaa na dulmartay.

“Qaab ciyaareedkeena waa isku mid waxaana tababare Tata Martino uu heystaa feker la mid ah kii sannadihii u danbeeyay, ma qabo inaan wax ka bedeleyno habka aan u ciyaarno.

“Wax walba waa sidoodii dhanka daafaca aad ayaana ugu riyaaqayaa. Waan ku riyaaqayaa sida aan u ciyaarno.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com