Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madexweynaha somaliland M/Weyne Siilaanyo Oo la Kulmay Wefti Ka Socday Raasul Khayma Oo Al-Jabiri ku jiro

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti arrimo ganacsi u socday oo ka socday Imaarada Raasul Khayma, sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Warsaxaafadeedkaasi waxa lagu sheegay inuu weftigaasi ka mid ahaa Ganacsadihii Sucuudiyaanka ahaa Al-jabiri ee xukuumaddii Rayaale heshiis kooto ah kula jiray oo la xidhiidhay dhoofka xoolaha nool.
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Arrimo Ganacasi u socda oo uu Hoggaaminaayo Sarkaal ka socda Imaarada Raasul Khayma.
Weftigan oo uu ka mid ahaa Ganacsadaha Al-jaabiri waxa ay madaxweynaha kala Hadleen sii xoojinta Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Sucuudiga.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay Maal-gashiga Dalka gudihiisa gaar ahaan ganacsiga wershadaha IWM.
Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Mahad celiyey Booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland.”

hussein harbi
hargeisa
maantasomailand.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com