Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan maanta ka hadlay qaabka ay u dhacday hawsha derejo siinta Ciidanka Bilaysku iyo Cabashooyinka ka soo noqday.

Hargeysa(maantasomaliland)-Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta ka hadlay qaabka ay u dhacday hawsha derejo siinta Ciidanka Bilaysku iyo Cabashooyinka ka soo noqday.

Taliyaha-Booliska-121Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Maanta la hadlay warbaahinta, ka dib shir jaraaid oo uu qabtay

maanta hambalyo u diray Askarta qaadatay derejooyinka iyo Guddida soo diyaarisay qorshaha derejo bixinta. waxaana hadalkiisa ka mida ahaa uu yidhi

“Waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Bilayska Somaliland ee derejooyinka qaatay Nin waliba wixii Ilaahay uga qoray, waxa kale oo hambalyo u dirayaa Guddida soo diyaarisay Derejooyinka oo hawl fiican qabtay”ayuu sheegay.

Taliyuhu isagoo sharaxaya habka ay u maamuleen derejooyinka waxa uu yidhi “Derejooyinka waxaanu u qaybinay si wanaagsan, wixii cabasho ah ee jirana waxaan leeyahay cidii wax tabanaysa waa loo diyaar oo waanu la hadlaynaa, laakiinse fariinta aan halkan ka gudbinayaa waxay tahay arimaha Ciidanka yaan la siyaasadayn oo ashkhaas koobani dhinac kale uga faa’idaysan, waayo ciidanku waa tiirka koowaad ee dalka, markaa looma baahna in hawshooda lagu deg-dego”.
Si kastaba ha ahaatee tabashooyinka iyo Gol-daloolooyinka ka soo baxay qaabka loo maamulay Derejooyinka Ciidanka, ayaa waxa dejiyay Guddida hawshan soo diyaarisay oo maalin saddexaad warbaahinta ka sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan cabashooyinka jira, ka dibna xal u raadin doonaan, taasoo markii hadalkaasi ka soo baxay rejo iyo niyadsamaan ku abuurtay Askarta wax tabanaysa, sida ay noo sheegeen saraakiil Ciidanka ka tirsani.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com