Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayanayaasha DalalKa Somaliland Somalia Iyo Maamul Goboleedka Puntland Oo Walaac Ka Muujiyay Xayiraadaha Baanka Ingiriiska ee Barclays Ku Soo Rogayo Xawaldaha Soomaalida

Baanka ugu weyn Waddanka Ingiriiska ee ay Xawaaladaha somalida dirista lacaga u fududeyn jiray ee Barclays, ayaa bishii May ee sanadkan sheegay inuu xidhayo Acounts-yada in ka badan 250 Xawaaladood oo ay Somali iyo dadyow kale leeyihiin, taasoo walaac badan ku abuurtay dadka somaliyeed ee Eheladooda lacagaha uga soo dira dalkaasi.

FarooleHargeysa(maantasomaliland):-Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xayiraadda Xawaalada somalida ee Baananka Ingiriisku ay tahay cuno-qabateyn ka dhan ah Bulshada Somalida.

Baanka ugu weyn Waddanka Ingiriiska ee ay Xawaaladaha somalida dirista lacaga u fududeyn jiray ee Barclays, ayaa bishii May ee sanadkan sheegay inuu xidhayo Acounts-yada in ka badan 250 Xawaaladood oo ay Somali iyo dadyow kale leeyihiin, taasoo walaac badan ku abuurtay dadka somaliyeed ee Eheladooda lacagaha uga soo dira dalkaasi.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Maanta ka hadlayay shir lagu darsayay sidii looga hortegi lahaa in Xawaaladaha looga faa’idaysto in kooxaha Argagixisada ahi lacagaha isugu diraan, ayaa sheegay in horumar balaadhan ka muuqdo qaabka lacagaha ay isugu diraan dadka somalidu, lana gaadhay heer Telefoonada laysaga diro.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale sheegay in lacagaha la isugu diro xawaaladaha ay ku tiirsan tahay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed haddii la xidjana ay imaanayso in dadkaas ay soo wajado dhibaato dhinac nolosha ah.

“Xawaaladuhu waxay gaadheen heer aad u wanaagsan oo xitaa isgaarsiinta ayaa sameysay qaab fudud oo taleefoonnada lacagaha la isugu diri karo, taasna waxay ka turjumaysaa horumarka ballaadhan ee ay sameeyeen xawaaladuhu,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ay ka muuqatay digniin uu ka digayo saamaynta Go’aanka Baanka Barclays ku yeelanayso bulshoweynta somaliyeed hadii uu ka dhabeeyo go’aanka uu ku xayirayo macaamilkii ka dhexeeyay Xawaaladaha somalida oo wali dood badani ka taagantahay, ayaa sheegay daba-gal iyo hubin lagu sameeyo lacagaha xawaaladaha lagu diro halka ay tagaan, balse aanay habooneyn in cunno-qabteeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Xidhidda xawaaladaha waxay noqonaysaa in cunno-qabateyn lagu sameeyo Soomaaliya, waayo boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan lacago looga soo diro dacallada caalamka oo lasoo mariyo xawaaladaha,”.

Kulanka uu ka hadlay oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dambiyada ee loo yaqaan UNODC, loogana hadlayay sidii Xawaaladuhu xil isaga saari lahaayeen inay ilaaliyaan nidaamka lacag dirista,ayaa waxa goobjoog ka ahaa madaxda xawaaladaha ka howlgala Puntland iyo kuwa isgaadhsiinta.

Go’aanka Baanka Ingiriiska waxa hore uga hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Ganacsato waaweyn oo ka mid ah kuwa ay arintani saamaysay, kuwaasoo ku tilmaamay talaabo ka dhan ah xuquuqda dadka gudaha ku nool ee masaariifta ka hela Eheladooda dalkaasi.

Qoraal laga soo xigtay Bog todobaadle ah oo ay Wasaaradda Itoobiya toddobaad kasta ku falanqayso waxyaabaha ka jira gobolka Geeska Afrika, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron u qoray qoraal uu kaga dalbanayo inuu farogeliyo Xayiraada Bangiga Barcalays joojinayo la shaqayntii xawaalado tiro badan oo dunida laga leeyahay.

Wasaaradda khaarajiga Itoobiya faahfaahin dheeraad ah kamay bixin qoraalka madaxweynaha , waxase ay warkeeda ku soo koobtay codsiga Madaxweyne Siilaanyo u diray David Cameron.

Madaxweynaha Somaliya ayaa hore ugu qoray dawladda Ingiriiska dhambaal uu kaga codsanayay in laga hawlgalo sidii uu Baankaasi uga noqon lahaa go’aanka uu gaadhay,

Dhamaadkii Todobaadkii hore ayay ahayd markii Raysalwasaaraha Ingiriiska loo gudbiyay Codsi ay saxeexeen in ka badan 25000 qof oo Somali iyo dadyow kale isugu jira oo ka soo horjeeda inay baananka Uk joojiyaan xawilaadaha lagacaha ee ay u fududeeyaan Xawaaladaha, kaasoo gudbintiisa lagu lamaaneeyay dibad bax ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo mudaharaad la hortegay Aqalka Reysal-wasaaraha Ingiriiska.

Ma jiro ilaa hada wax jawaab ah oo ay dawlada Ingiriiska iyo Baanka Barclays ka bixiyeen qaylo-dhaanta ka soo yeedhaysa madaxda iyo bulshoweynta somalida oo hadii aan arintan garowshiyo u muuqda kuwo ku sii dhegsanaanaya diidmadooda.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com