44-Qof Oo Cibaadeysanayay Ayaa Lagu Dilay Masaajid Ku Yaala Waqooyi Bari Naygeria
(maantasomaliland):-44-Qof oo cibaadeysanayay ayaa lagu dilay masaajid ku yaala waqooyi bari Naygeria, iyadoo weerarkan uu yahay kii ugu xumaa ee ka daca wadankaa mudooyinkii u danbeeyaay.
Weerarkan ayaa dhacay subaxdnimadii Axadi xili lagu jiray salada subax, hase ahaatee warbaahinta caalamka ayaa warka ku saabsan dhacdadaas heshay maalintii isniinta ahayd.
Sida wararku sheegayaan weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Konduga oo 35-KM u jirya caasimada gobolka Maidguri.
Raga hubeysan ee ka dambeeyay weerarka ayaa looga shakisan yahay inay yihiin maleeshiyada Islaamiga ee Boko Haram, kuwaasoo tan iyo sanadkii 2009-dii waqooyiga Nigeria ku dilay kumanaan ruux.
Waxa hore Nigeria ugu badnaa weerarrada lagu qaado kaniisadaha, laakiin kooxda Boko Xaraam ayaa waxay mararka qaar bartilmaameed ka dhigataa masaajidda.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, boqolaal rayid oo iskood isku xil qaamay ayaa waxay sameysteen kooxo ilaaliya ammaanka.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa bishii May ku dhawaaqay xaalad deg deg ah inuu ku soo rogay sadde magaalo ku taal waqooyi bari Nigeria, halkaasoo ciidamadiisa howl galo ballaaran oo ka dhan ah islaamiyiinta ka sameeyeen.
Warbaahinta Nigeria ayaa sheegtay in 26-ruux oo dhaawacyo kala duwani soo gaadheenan lagu daweynayo isbitaalka Maidguri.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413