Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland oo dhawaan u magacawday tabashooyin beesha Ciise Muuse ka qabtay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo ku laalay dhulka u dhaw Dekedda iyo kuwo hore oo Is biirsaday

Madaxtooyadda oo wax ka qabashada Tabashooyinkii Reer Saaxil ku xidhay Xaal laga bixiyo Eedihii dhagaweyne ujeediyay

dhagaweyneHargeysa(maantasomaliland) Madaxyooyadda Somaliland oo dhawaan u magacawday tabashooyin beesha Ciise Muuse ka qabtay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo ku laalay dhulka u dhaw Dekedda iyo kuwo hore oo Is biirsaday oo loo balansanaa Ramadaan kadib ayaa u muuqda in ay ka hor timid caqabad aanay filanayn.

Sida ay warbaahin qaarkeed ku heshay wararka Odayadii ka mid ahaa Guddida loo saaray xalinta tabashooyinka Reer Saaxil oo isku dayay in ay balan ka soo sameeyaan Madaxtooyadda ayaa laga hor keenay shuruud ah inta aan balan loo qaban in ay Xaal ka keenaan eedihii Ibraahim Dhagaweyne isagoo ka mid ah Golaha Wadatashiga iyo Badbaadada ujeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Arrintan ayaa Odayadii iyo Beesha ay ka tirsanaayeenba ku keentay caqabad aanay dhaafi karayn, taasoo aanay dhaadayn in ay ku soo bixi doonto, maadaama beeshu ku kala jabtay taageerada Golahaas oo qaarkoodna ay taageereen kuwo kalena ka soo horjeesteen.

Dhacdadan ayaa sababtay Odayadii beesha Ciise Muuse ee hormoodka ka ahaa wada xaajoodka tabashooyinka gobolkoodu inay ka gaws qabsadaan xujada la hor dhigay, waxaanay shalay kulan balaadhan oo ay goob joog u ahaayeen hormoodka Beeshu isugu yimaadeen hotelka Xaraf si ay go’aan uga qaataan arrintan isla markaana uu ugu hirgalo qorshahii ay xukuumadda ku wada socdeen.

Kulanka shalay oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaan la ogayn jawaabta ay ka bixiyeen hal-xidhaalaha hor yaala, wallow warar xogogaal ahi Waaheen u sheegeen in ay ku kala aragti duwanaadeen, hadana wali waa mid beesha ku mudan oo ay u raadinayaan sidii ay iskaga qaadi lahaayeen beerta la hordhigay.

Lama oga Ibraahim Dhagaweyne go’aanka uu ka qaadan doono haddii Beeshiisu xaal ka bixiso hadaladii uu ku weeraray Madaxweyne Siilaanyo oo ay xiligan si ba’an isaga horjeedaan marka loo eego Geediga siyaasadeed ee uu Golaha uu Af-hayeenka u yahay daah-furay, hase yeeshee dhinac siyaasadda marka laga yimaado waxa Ibraahim horyaala laba Arrimood oo aanu ka fursanayn in uu hor istaago, waa ta koowaadee Qasriga Madaxtooyadda oo ay Marwada Koowaad ka soo jeedo beeshiisa oo aanu sinaba u dhaafi Karin, iyo duruufta beeshiisa haysatay oo ah tabashooyin ay kula gal-galanayaan wax ka qabashadooda.

Labadaas arrimoodba waa laba arrimood oo geedka ku xidhi kara Ibraahim dhagaweyne haddii uu ku raaco iyo haddii kaleba waxaanu warankani noqon doonaa gol-jilic laga soo galo gayd adaygnimada siyaasadeed ee uu la holaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasoo ka gubatay weedhihii iyo Su’aalihii uu ku ganayba.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugaa waa dhawaaqa ka soo bixi doona Beesha Ciise Muuse ee Gobolka Saaxil.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
Email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com