Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

natiijo hor dhac ah oo laga soo saaray diyaaradii hubka siday ay lahaayeen ciidamadda Millatarigga Ethiopia (Ethiopia Air force).

u_107798d_2013-8-13-21-32-14f_Diyaarad-qaraxday-Muqdisho2Kampala-(maantasomaliland)-Guddigii ka koobnaa Todobadda xubinood ee ay xukuumadda dalka Soomaaliya, iyo ciidamadda AMISOM, iyo shirkadda maamusha garoonka diyaaraddaha Muqdisho ay u xilsaareen inay baadhitaan ku sameeyaan diyaaradii sagaalkii bishan aynu ku jirno ku burburtay gegida dayuuraddaha ee magaaladda Muqdishu ayaa sheegay in shilkii ku yimi diyaaradani uu ka dhashay dhinaca farsamadda, sidaana waxa lagu sheegay natiijo hordhac ah oo ay Guddiggani soo saareen oo lagu bayaamiyay Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu caddeeyay in diyaaraddaa oo nooceedu ahaa Antanov An-12, sumaddeeduna aheyd 1513 ay ka mid ahayd diyaaradaha ay leeyihiin ciidamadda Millatarigga Ethiopia (Ethiopia Air force).

War-bixintan hordhaca ah waxa kale oo lagu tibaaxay in diyaaraddani oo isku dayday
inay soo caga dhigato garoonka Muqdisho ay ka baxday waddadii taas oo keentay in uu ka holco dab xoog leh oo sababay burburka diyaaraddan oo ay ku naf waayeen Afar qof, Laba kelana laga soo badbaadiyay, diyaaraddan oo qalab milatari iyo hub u siday ciidamadda nabad illaalinta ee Midawga Afrika ee AMISOM.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
Email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com