Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Eto’o Oo Sheegay Inuu sii joogayo Anzhi

Etoomaantasomaliland):-Wararka ka imaanayay Ruushka maalmihii u dambeeyay ayaa sheegayay in kooxda Anzhi Makhachkala ay iibin doonto qaar ka mid ah ciyaartoydeeda mushaarka badan qaata kagadaal markii ay dhaqaalo yari soo wajahday.

Weeraryahanka kooxda Samuel Eto’o oo ah ninka ugu mushaarka badan kubbadda cagta adduunka, ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda oo uu ku biirayo Napoli iyo Chelsea midkood.

Wakiilka FIFA ee Peppino Tirri ayaa sheegay in Eto’o uusan ka tagi doonin kooxda Anzhi xagaagan.

“Eto’o waa ciyaaryahan ka tirsan Anzhi, kooxdana waxey u xaqiijisay in uu heli doono mushaaraadkiisa, wey adkaan doontaa in uu koox kale aado” ayuu Tirri u sheegay Tuttomercato.

Tirri wuxuu sheegay in Napoli ay ku adkaan doonto in ay la wareegto ciyaaryahankaan mushaarka badan qaata, isagoo dhinaca kale sheegay in uusan ka war qabin daneynta kooxda Chelsea ee 32 jirkaan.

“Napoli waxey sameyneysaa wax aan jirin, ciyaaryahanka waa nin mushaar badan qaata, ma oggolaan karo heshiis mushaarka uu dhimaayo. Waxaan idiin xaqiijinaayaa in uusan mushaarkiisa dhimmi doonin” ayuu yiri wakiilkan FIFA ee Tirri.

Wuxuu sheegay in uusan waxba ka ogeyn arinta Chelsea isla markaana aaney cidna kala soo xiriirin.

Tirri ayaa qeyb weyn kulahaa saxiixii Eto’o uga tagay Inter ee uu ugu biiray kooxda Anzhi ee dalka Ruushka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com