Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Ibrahimovic oo sheegay in uu dhammeysanayo Qandaraaskiisa PSG

Ibrahimovicmaantasomaliland):-Weeraryahanka kooxda PSG ee dalka France, Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in uu dhammeysanayo heshiiskiisa kooxda, kadib hadal-heyn badan oo la xiriirineysay in uu ka tagaayo kooxda.

Ibra oo 31 jir ah ayaa qandaraaskiisa kooxda Parc Des Princes ku ciyaarta waxaa uga harsan laba sano, waxaana lala xiriirinayay in uu kooxda ka tagayo markii ay soo iibsatay Edinson Cavani bishii hore.

Ciyaaryahankan xilligii dhammaaday u gacan geliyay kooxdiisa horyaalka France, ayaa ballan qaaday in uu kooxda lasii joogi doono ilaa heshiiskiisa ka dhammaado.

“Waan sii ciyaari doonaa ilaa inta suurt-galka ah” ayuu saxafiyiinta u sheegay Ibra isagoo u diyaar garoobaya ciyaarta saaxiibtinnimo ee xulkiisa Sweden la yeelanayaan Norway.

“Ilaa aan ka wanaagsanahay jir ahaan iyo maskax ahaan waa sii ciyaari doonaa, waxaan kooxdan kula jiraa heshiis ka harsan laba xilli-ciyaareed, waan xushmeynayaa heshiiskaas, kadib waa arki doonnaa waxa dhaca” ayuu sii raaciyay.

Ibra ayaa AC Milan kaga soo biiray PSG xagaagii hore markii ay kusoo iibsatay 20 milyan oo Yuuro.

ABDIKANI KK

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com