Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka De Rossi oo Toddobaadkan go’aan kama-dambeys ah ka qaadanaya mustaqbalkiisa

maantasomaliland):-Xiddigga khadka dhexe ee kooxda Roma, Daniel De Rossi ayaa sheegay in ugu dambeyn go’aan rasmi ah ka gaari doono mustaqbalkiisa toddobaadkan.

De Rossi oo magaciisa dhex wareegayay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bilihii u dambeeyay ayaa hadda gudanaya waajibaadka xulka qaranka Taliyaaniga oo ciyaar saaxiibtinnimo la yeelanaya xulka Argentina.

Wuxuu sheegay in uu go’aan rasmi ah qaadan doono dhawaan oo uu kala caddeyn doono wax walba.

“Labada maalin ee soo socda xulka Azzuri ayaan la joogi doonaa, kadib waxaan ka hadli doonaa arinta hal mar oo aan soo gaba-gabeyn doono” ayuu wariyeyaasha u sheegay De Rossi.

“Dadku waxey igu eedeynayaan waxa ay iyaga rabaan, balse aniga wali waxba kalama caddeyn” ayuu sii raaciyay.

De Rossi ayaa aad loola xiriirinaayay kooxo ay ka mid tahay Chelsea, waxaana uu ka tirsanaa kooxda Roma ilaa yaraantiisii.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com