Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal oo Bendtner ku beddelaneysa Difaac Cusub

Jesus Gamezmaantasomaliland):-Weeraryahanka Arsenal kaga maqnaa amaahda labadii sano ee u dambeysay, Nicklas Bendtner ayaa wali doonaya in uu ka tago kooxda Arsenal kagadaal markii uu kasoo laabtay amaah uu xilligii dhammaaday kusoo qaatay Juventus.

Macallinka Arsenal, Arsene Wenger ayaa hadda billaabay qorshe uu Bendtner uga beddelanayo kooxda Malaga ee dalka Spain difaaceeda dambe ee midigta Jesus Gamez.

Wenger ayaa doonaya in billowga xilli-ciyaareedka cusub uu Bacary Sagna ka ciyaarsiiyo daafaca dhexe maadaama uu dhaawac ku maqnaan doono kabtanka kooxda Thomas Vermaelen, sidaas darteedna uu u baahan qof daboola booska Sagna ee daafaca dambe ee midigta.

Malaga ayaa aad u dooneysa weeraryahankan Denmark u dhashay, hase yeeshee waxey ka fikireysaa in Arsenal ay ku wareyjiso Gamez oo 27 jir ah.

Kerl Jekinson oo kasoo baxay da’yarta Arsenal, ayaa ah ninka kaliya ee hadda ka ciyaari kara daafaca dambe ee midigta haddii Sagna loo wareejiyo daafaca dhexe.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com