Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Werar Yahanka Kooxda Livepool ee Gerrard oo sheegay in Rooney si wanaagsan u ciyaari doono, iskana indha tiray hadal-heynta

Gerrardmaantasomaliland):-Weyne Rooney ayaa lagu wadaa in uu ciyaaro kulanka Arbacada manta ah ee xulkiisa England la yeelan doono xulka Scotland markii ugu horreysay muddo 14 sano ah.

Kabtanka xulka qaranka Ingiriiska, Stephen Gerrard ayaa sheegay in Weyne Rooney uu ciyaari doono kulankaas waliba si wanaagsan, wuxuuna diiday in uu ka hadlo mustaqbalka Rooney ee Man Utd oo hawada ku laalan.

“Rooney waa sidiisii hore, wuxuu dhalinayaa goolal, wuxuu diyaar u yahay in uu ciyaaro, si fiican ayuu u diyaar garoobay, wuxuu u baahan yahay daqiiqado yar oo uu ku tijaabiyo caafimaadkiisa” ayuu Sky Sport u sheegay Gerrard.

“Mustaqbalkiisa aniga shaqadeyda maaha, kaliya waxaan ka hadlay kulankan, waan hubaa in dhibaatooyinka kale isaga uu kala caddeyn doono” ayuu sii raaciyay.

“Waa sanadkii koobka adduunka, waxaa nagu soo socda kulamo adag oo isreeb-reeb ah, waa in aan u diyaar garownaa” ayuu yiri kabtan Gerrard.

Rooney ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo kulankan kadib waqti badan oo uusan u safan kooxdiisa Man utd.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com