Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Kooxood ee Liverpool iyo Tottenham oo ku dagaallamaya saxiixa Willian

Willianmaantasomaliland):-Kooxda Liverpool ayaa u diyaar garoobeysa in ay gor-goriso xiddigga kubbad sameeyaha ah ee reer Brazil, Willian, oo ka tirsan kooxda sii musallafeysa ee Anzhi Makhachkala.

Xiddggan ayaa kooxdiisa ku qiimeysaa 35 milyan oo Gini, waxeyna kooxda Liverpool tartan xooggan kala kulmeysaa kooxda Tottenham oo in muddo ah raadineysay ciyaaryahankan 25 jirk ah.

Liverpool ayaa dooneysa in ay sameyso saxiix weyn kadib markii ay horey ugu guul-darreysatay saxiixyada Henrikh Mikhitiryan iyo Diego Costa, iyadoo Willian u aragta dooqa ugu haboon.

Willian ayaa lacago badan ku iibsatay Anzhi bishii Jannaayo ee sanadkan, hase yeeshee waxaa hadda saameyn ku yeelanaya maal-qabeennada kooxda oo doonaya in ciyaartoyda lacagaha badan qaata ay iska iibiyaan.

Liverpool ayaa dhanka kale dooneysa in ay soo gaba-gabeyso si dhaqsi ah heshiiska ay kooxda Garanada ee Spain kala soo wareegeyso Guilherme Siquiera oo ka ciyaara garabka bidixda ee daafaca, iyadoo agaasimaha kooxda Ian Ayre uu ku sugan yahay dalka Spain.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com