Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Luis Suarez Oo Maankiisa Bedelay: Waxaaan Sii Joogayaa Liverpool.

Luis Suarezmaantasomaliland):-Luis Suarez ayaa u sheegay wargeys Uruguay ka soo baxa in jaceylka uu ka helay taageerayaasha Liverpool inay ka dhaadhicisay inuu mustaqbalkiisa dhow u hibeeyo kooxda.

Weeraryahanka ayaa si weyn u bedelay maankiisa isagoo xagaagan oo dhan dalbanayay in la iibiyo.

“Haatan waan sii joogayaa, sababtoo ah jaceylka aan ka helay dadka reer Liverpool” ayuu Suarez u sheegay El Observador isagoo jooga Tokyo halkaasoo Uruguay ay ciyaar saaxiibtinimo kula ciyaareyso Japan.

Arintaan ayaa u muuqatay inay jiitameyso xagaagan oo dhan, Suarez ayaa sheegtay in kooxda ay balanta uga baxday, madaama uu bixi karay mar hadii kooxda aysan u soo bixin Champions League.

Waxaana sheegashadaas uu kula kulmay carro tababaraha Liverpool kaasoo ka dalbaday ciyaaryahanka inuu raaligelin bixiyo ka hor inta uusan dib ugu soo laaban kooxda.

Inkastoo weli uusan raaligelin bixinin hadana go’aankiisa uu ugu sheegay wargeyska Observador iyo wariyaha aadka loo ixtiraamo ee South America Martin Charquero inuu sii joogayo kooxda ayaa dad badan ay u arkaan talaabadii ugu horeysay ee dib u dhiska xiriirka Liverpool iyo Suarez.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com