Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qorshaha Labaad Ee Wenger Hadii Suarez Uu Anfield Sii Joogo… Michu Ama Edin Dzeko.

wengermaantasomaliland):-Arsenal ayaa u gudbeysa qorshaheeda labaad ee ay ku raadineyeen gooldhaliye fiican, iyagoo haatan garwaaqsaday inay seegi karaan saxiixa Suarez, waxaana ay doonayaan midkood Michu ama Dzeko sida ay sheegeyso Daily Mail.

Gunners ayaa weeraryahanka Liverpool ka dhigatay diiradooda koowaad ee xagaagan, waxaana durba laga soo diiday labo dalab oo ay u gudbiyeen kooxda Anfield ka dhisan.

Arsenal ayaa rajeyneysay inay dalab 50 milyan ginni ah ka gudbiso Suarez, laakiin sheegashadiisii ugu danbeysay ee ah inuu sii joogayo Liverpool ayaa keeni karta mid arintaan soo gabagabeysa.

Si kastaba jariirada Daily Mail ayaa sheegeysa in Arsenal ay raadineyso qorshayaal kale hadii ay arinta Suarez si rasmi ah ugu guuldareystaan.

Wadahadalo lagu tilmaamayo ciyaartoyda xigta ee ay kooxda diirada saareyso ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay lahaa raga suuqa kala iibsiga u qaabilsan kooxda.

Gonzalo Higuain iyo Stevan Jovetic ayaa labadoodaba meel sarre uga jiray liiska Wenger ka dib inta aysan Arsenal ku guuldareysan saxiixooda islamarkaana xiisahooda u wareejinin Suarez.

abdikani kk

Wayne Rooney ayaa sidoo kale diirada u saarnaa bilowgii xagaagan, taasoo haatan keentay in indhaindheeyayaasha suuqa kala iibsiga Arsenal ay si aad ah u darsaan suurtogalnimada lagu heli karo weeraryahanka Swansea Michu ama kan Manchester City Edin Dzeko.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com