Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Luis Suarez ayaa sii joogi doona Liverpool, waxaana laga yaabaa xitaa inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda. (Daily Mirror)

Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay dalabkii ugu danbeeyay ee 20 milyan ginni ka gudbiso daafaca 30 jirka Real Madrid ee reer Portugal Pepe. (Daily Mail)

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka 32 jirka Anzhi Makhachklala Samuel Eto’o. Tababaraha Blues ayaa la soo shaqeeyay xiddiga reer Cameroon markii uu joogay Inter Milan. (The Guardian.)

Madaxda Manchester United ayaa riski ku gelin doona inay ceshtaan ciyaaryahan aan faraxsaneyn iyagoo ku adkeystay in Wayne Rooney aan marnaba laga iibin doonin Chelsea wax walba oo ay tahay lacagta ay soo bandhigto kooxda reer London. (The Guardian)

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Swansea Michu oo 27 sanno jir ah iyo kan Man City Edin Dzeko oo isna 27 sanno jir ah, iyadoo rajadooda saxiixa Suarez ay u muuqataa mid meesha ka baxeysa. (Daily Mirror/Daily Mail)

Napoli ayaa isku diyaarineysa inay xilli danbe dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Luiz Gustavo, 26 jirkaan ayaa maanta ku dhawaaqi doona qorshihiisa mustaqbalka, iyadoo Arsenal ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya saxiixiisa. (Daily Mail)

Liverpool ayaa diirada saareysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Anzhi Willian oo 25 jir ah, kaasoo noqon kara saxiix lagu helo lacag jaban inkastoo Anzhi ay bishii Janaayo ka soo bixisay 30 milyan ginni. (Daily Mirror)

Kooxda Serie A ka dhisan ee Juventus ayaa laga yaabaa inay daafaca midig Stephan Lichtsteiner oo 29 sanno jir ah ka iibiso Arsenal, iyagoo raadinaya inay lacag u helaan soo xerogelinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Christian Eriksen kaasoo sidoo kale diirada u saaran Liverpool iyo Tottenham. (Daily Express)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Scott Parker oo 32 jir ah ayaa ku dhow inuu ku biiro QPR 48da saacadood ee soo socota ka dib markii labada kooxood ay ku heshiiyeen 3.5 milyan ginni. (Daily Telegraph)

Laakiin Fulham ayaa isku dayaysa inay QPR ku garaacdo saxiixa Scott Parker, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe lagu soo waramayo inuu doonayo inuu sii joogo Premier League. (The Sun)

Goolhayaha QPR Julio Cesar oo 33 sanno jir ah ayaa kalsooni ku qaba inuu ka tagi doono kooxda heerka labaad ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. (London Evening Standard)

Weeraryahanka Chelsea Demba Ba oo 28 sanno jir ah ayaa diirada u saaran tababaraha West Ham Sam Allardyce, kaasoo doonaya inuu soo xerogeliyo saxiixiisii lixaad ee xagaagan. (Daily Star)

Benfica ayaa dooneysa goolhayaha Celtic Fraser Forster oo 25 sanno jir ah, laakiin kooxda reer Portugal waa inay bixiso 6 milyan ginni. (Daily Record)

Xiddiga diirada u saaran Real Madrid Gareth Bale oo 25 sanno jir ah ayaa u sheegay saaxiibadiisa xulka Wales inuusan mar danbe u ciyaari doonin Spurs. (The Sun)

Barcelona ayaa u muuqata mid raadineysa daafacyo kale ka dib markii Chelsea ay duldhigtay David Luiz 50 milyan ginni. (Daily Mirror)

ITALY:

Samuel Eto’o oo la filayo inuu ka tago Anzhi xagaagan ayaa ay u badan tahay inuu caga dhigto Inter Milan, madaama qoyskiisa ay ku nool yihiin Milan, islamarkaana tababaraha Blues Mou uu ka cagajiidayo inuu u dhaqaaqo saxiixiisa. (La Gazzetta dello Sport)

Laakiin wakiilka ciyaaryahanka ayaa wacay Roma iyo Napoli isagoo weydiiyay hadii ay doonayaan Eto’o. Napoli waxaa dhib ku noqon kara mushaharkiisa, halka Giallorossi ay u dhaqaaqi karto saxiixiisa haddii ay iska iibiyaan Boriello iyo Osvaldo. (Corriere dello Sport)

Liiska kooxaha doonaya Eto’o ayaana liiskooda uu sii dheeraanaya iyadoo kooxda Monaco ee dalka Faransiiska ay ku soo biirtay doontistiisa. (Tuttosport)

Goolhayaha QPR ee laga doondoonayo Serie A Julio Cesar ayaa digniin kama danbeys ah ka helay tababaraha xulka Brazil Scolari kaasoo u sheegay Julio Cesar: “Koox raadso ama Brazil kama mid ahaan doontid.” (La Gazzetta dello Sport)

Iyadoo weeraryahanka Roma Osvaldo uu iska diidayo kooxo ka dhisan Italy iyo England si uu ugu biiro Inter Milan, ayaa istiraatiijiyada Inter ay tahay inay amaah ku qaadato Osvaldo ka dibna qiyaar loo siiyo inay iibsato oo hadii ay iibsato ay lacag 3 milyan euro ah muddo afar sannoa h ku bixin doonto. (Tuttosport)

AC Milan ayaa xiriir la sameysay ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee kooxda Lazio ee 24 jirka reer Czech Libor Kozák. (Tuttosport)

Juventus ayaa keentay weeraryahan cusub, iyadoo Richmond Boakye uu kooxda ku soo biiray ka dib amaah uu ku joogay Sassuolo. (Football Italia)

SPAIN:Tababaraha Barcelona Tata Martino ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha kooxda Rosell waxa uu ugu sheegay inuu daafacyo ku filan heysto sida Puyol, Mascherano iyo Pique, islamarkaana uusan in badan u baahneyn daafac dhexe oo cusub (El Mundo Deportivo)

David Luiz iyo Agger ayaa ku noqday Tata Martino kuwa qaali ka ah qiimaha ay caadiyan joogaan, halka Luiz uu weli ka war sugayo Barcelona. (El Mundo Deportivo)

Daafaca reer Portugal Pepe ayaa waxaa dooneysa kooxda Premier League ka ciyaarta ee Manchester City, laakiin Real Madrid ayaan dooneynin inay iska iibiso daafacan 30 jirka ah. (Marca)

Xiddiga diirada u saaran Real Madrid Gareth Bale ayaa la kulmaya gudoomiyaha Spurs Danile Levy berrito si ay xaaladiisa loo kala cadeeyo. (Marca)

Isbuucaan ayaa isbuuc muhim ah u ah saxiixa Gareth Bale, iyadoo ciyaaryahanka reer Wale suu doonaya in heshiis la soo gabagabeeyo laakiin Levy ayaa ka cagajiidaya oo doonaya in la isla gaaro ilaa 18ka bishaan. (AS)

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu hungowday saxiixa Diego Costa oo ay ku doonayeen 24 milyan euro, laakiin weeraryahanka ayaa heshiis cusub oo ilaa iyo 2017 u saxiixay Atletico Madrid. (Marca)

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com