Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Franck Ribery: Waxaan Ka Fiirsaday Inaan Ku Biiro Barcelona

maantasomaliland):-Franck Ribery ayaa qirtay inuu ka fiirsay inuu ka tago Bayern Munich oo uu ku biiro Barcelona xagaagii 2009, laakiin uu ugu danbeyn doortay inuu sharfo qandaraaskiisa waxaana uu iska sii joogay Allainz Arena.

Xiddiga reer France ayaa sannado yar ka hor waxaa si aad ah loola xiriirinayay Real Madrid, laakiin waxa uu haatan shaaca ka qaaday in kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan aysan kaliya aheyn koox Isbaanish ah oo u soo dhawaatay isaga.

“Saaxiibkeyga xulka France Eric Abidal, oo ka hoos ciyaarayay Pep Guardiola markii uu Barcelona joogay, ayaa ii soo dhawaaday xilli ciyaareedkii 2008-09″ ayuu Ribery u sheegay jariirada Bild ee dalka Jarmalka.

“Dabcan waan ka fiirsaday markaas inaan ku biiro Barcelona. Xilligaas waxa ay ahaayeen kooxda adduunka ugu fiican.

“Ma aysan aheyn xaalad sahlan. Waxaan qandaraas kula jiray Bayern, mar walbana ixtiraam ayaan u hayay kooxda iyo sidoo kale Karl-Heinz Rummenigge iyo Uli Hoeness, kuwaasoo muhim weyn ii ah.

“Markii ugu horeysay ee aan la hadlay Guardiola waxa ay aheyd kulankii aan Champions League uga harnay 2009kii. Waa uu ii soo dhawaaday ka dib kulankii 1-1 ku dhamaaday ee Munich si uu iigu hambalyeeyo qaab ciyaareedkeyga, waxaana uu ii sheegay inaan ahay ciyaaryahanka ugu fiican. Taasoo micno weyn ii laheyd.”

Ribery oo 30 sanno jir ah ayaa dhawaan sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo Bayern, waxaana uu dhawaan saxiixay heshiis uu kooxda ku sii joogayo ilaa June 2017.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com