Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Metalist Kharkiv Oo Laga Mamnuucay Inay Ka Qeyb Qaadato Champions League.

68376535_champions_league_gettymaantasomaliland):-Uefa ayaa ku dhawaaqday in kooxda Metalist Kharkiv laga mamnuucay inay xilli ciyaareedkan ka qeyb qaataan tartamada Yurub ka dib markii dacwad laga furay lagu helay inay ku kaceen fadeexada qamaarka ee ciyaaraha natiijooyinkooda la qorsheeyo.

Metalist ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad horyaalka Ukraine, waxaana ay sidaasi ku buukinteen wareega seddexaad ee isreebreebka Champions League, iyagoo wadar ahaan labada lug 3-1 kaga soo badiyay kooxda Gariiga PAOK.

Waa isku aadkii jimcaha ee isreebreebka ugu danbeeya ee Champions League lagu soo aadiyay Schalke, laakiin waxaa haatan laga mamnuucay inay ka sii qeyb qaadato Champions League.

Si kastaba weli si cad looma oga in Schalke ay toos ugu soo bixi doonto wareega group-yada Champions League ama in PAOK ay booska Metalist soo geli doonto.

Hadii Metalist ay go’aankaan racfaan ka qaadato waxa ay si ku meel gaar ah u sii ciyaari doontaa kulamada isreebreebka Champions League ee ay la leeyihiin Schalke, iyadoo go’aan kama danbeyn ah la gaari doono ka hor inta aan la qaban isku aadka wareega group-yada.

Uefa ayaa hore uga ganaaxday kooxa Turkiga ee Fenerbahce iyo Besiktas inay ka qeyb qaataan tartamada Yurub xilli ciyaareedkan, laakiin racfaan ayay go’aankaas ka qaateen.

Waxaana go’aanka racfaanka uu soo bixi doonaa ka hor inta aan la qaban isku aadka wareega group-yada Champions League iyo Europa League taasoo ka dhigan in Fenerbahce ay isreebreebka Champions League la ciyaari doonto Arsenal halka Besiktas ay isreebreebka Europa League la ciyaari doonto Tromso.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com