Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waanu ogolahay intii aanu Qeylinaynay inLeeg in Nalagu Qayliyo

“Wuxuu Cimrigeenu ina Tusay UDUB oo Saxaafadii u ooyaysa iyo KULMIYE oo Saxaafadii lagu Canaananayo”
(Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga  tallada haya ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay dhaliilo loo jeediyay xukuumadiisa oo la xidhiidhay  xadhiga mid ka mid ah salaadiinta Somaliland iyo xadhiga Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa banaan ee Waaheen  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo  Maxkamada Gobolka Hargeysa sadex sanadood oo xadhig ah iyo lix malyan oo ganaax adag ah ku riday Sabtidii.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay maanta khudbad uu ka jeediyay  xaflad loo sameeyay 70 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Golis ee magaalada Hargeysa.
Md. Muuse Biixi oo ka jawaabayay dhaliilo xukuumadda loo jeediyay oo la xidhiidhay cabudhinta Saxaafada waxa uu yidhi

“Reer Xamarka ayaa ku maahmaaha cimrigaaga oo raagay Geel dhalayna wuu ku tusaa. Imika wuxuu cimrigeenu ina tusay UDUB oo saxaafadii u ooyaysa iyo KULMIYE oo saxaafadii lagu canaananayo nolasha ayay ka mid tahay. Waxaan  uga mahad naqayaa qolada UDUB haddii aad tidhaahdeen mucaaridadayadu waa mid wax dhisaysa  oo waanu idinla shaqaynaynaa.
Waxaanu leenahay intaas  in leeg ayaanu  labada gacmoodba idiin soo taagaynaa inaynu dalka wada leenahay oo aynu ka wada tashano niman idin fogayna oo wax la sii jeedsanaya ma nihine’e soo dhawaada walaalayaal.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi

 “Horta  arrintan saxaafada, horta KULMIYE saxaafadu waa tii in badan soo garab joogtay oo qolada UDUB waxaabay odhan jireen way naga eexanaysaan. Kamay eexan jirin wixii ay la ahaato ayuun bay sheegayeen. Haddii saxaafaddiii been iyo cay ay qorto wax bay inaga xumaynaysaa. Nin weyn oo sodog ah oo Hargeysa dhex jooga  haddii lagu yidhaahdo waxaasi ayuu xaday  oo laba kun oo jariiradood iyo laba Telefishan laga sii daayo, haddii uu yidhaahdo ima qabato oo dambigaasi waa la I saaray, markaa ma saxaafadii ayaa la cabudhiyay. Saxaafada waanu ogolahay inay naga gardaraatana waanu ogolahay, waanu ogolahay intii aanu qeylinaynay in leeg in nalagu qayliyo.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayay Xadhiga Boqor Raabi wuxuu yidhi

“Waxa la yidhi Sodoh ayaa nin dhirbaaxay, gartii ayaa geedka la keenay waa la is weydiiyay waxa la yidhi Sodohda halka gacanta inanka inanteeda qabaa  gaadhayo maxaa keenay? Iyadaba maxaa halkaasi keenay. Madax dhaqameed  wax lagu eedayn karo maxaa soo galiyay.ninka Suldaanka ah soo afkiisa iyo adinkiisuba inuu noqdo mid ku dayasho mudan ma aha Isaga iyo kuwa sharciga ilaalisa ee dhawraysaa inay isa soo gaadhaanba ma aha. Waxase aanu ogolahay dawladu ha u dul qaadato.KULMIYE ma diidayo in la faalleeyo, ma diidayo in lala kaftamo. Wixii laf jab ah aynu iska dayno.”

“Waxa la yidhi fulle xantii ma mooga, KULMIYE iyo dawladiisa waxa lagu xamanayaa  intii ay yimaadeen busaarad ayaa dalkii jiidhay waxba la isku qarinayo. Ii dhego nugloow oo dhakhso ii dhufo, dadka waanu u dhego nugul  nahay sidii aynu ku balanay, shacbigii na doortay ee yidhi waanu idin tijaabinaynaa haddii aanu idin garan waynana fartii halkii ayay ii taalaa waanu u dhego nuglaanaynaa. Waar gari ILAAHAY ayay taqaanaaye’e KULMIYE nin  mushaharo qaadanayay oo lacag xaq ah qaadanayay oo aanu ka goynay haddii uu jiro anagaa dambigaa leh. Laakiin waxaad na tidhaahdeen waxaad xooga saartaan inj xoolaha ummadda la ilaaliyo oo halka ay ku mudan yihiin la geeyo, labadaasi qodob haddii aanu fulino maxaa dhacay,”

ayuu yidhi Muuse Biixi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com