Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Tottenham Oo dalab ka gudbinayaan weeraryahanka kooxda Roma Erik Lamela

Erik Lamela.maantasomaliland):-Tottenham ayaa weli ka doodeysa hadii ay dalab ka gudbinayaan weeraryahanka kooxda Roma Erik Lamela kaasoo lagu qiimeeyo 30 milyan ginni, sida ay qortay jariirada England ka soo baxda ee Daily Mial.

Agaasimaha dhanka farsamada kooxda Spurs Franco Baldini hore uga soo shaqeeyay Roma ayaa si wacan u yaqaana Lamela oo uu ku arkay 21 jirkaan isagoo horumar ku sameynaya xarunta Rome, waxaana uu aaminsan yahay inuu ku fiican yahay qorshayaasha Andre Villas-Boas.

Tababaraha reer Portugal ayaa doonaya in kooxdiisa ay ciyaarto shaxda ah 4-3-3, Lamela ayaana ka ciyaari kara dhowr meelood oo weerarka ah.

Ciyaaryahankii hore ee River Plate ayaa dhaliyay 15 gool 33 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii hore taasoo keentay inuu soo jiito raga suuqa kala iibsiga u qaabilsan kooxaha waa weyn ee Yurub.

Walaaca kaliya ee ay Spurs qabto ayaa ah in hadii qiimaha la duldhigay uu yahay mid aad u sareeya madaama ciyaaryahanka uu weli yahay mid soo koraya.

Tottenham ayaa ciyaartoybadan qiimeyneysa iyagoo doonaya inay suuqa kala iibsiga ka adeegtaan hadii Bale ay ku helaan lacag rikoor ah.

abdikanikk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com