Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa: Xus Loo Sammeeyey Mujaahidiintii Fuliyay Hawlgalkii Afduubka Diyaaradii Somali Airline 1984‏

Hargeysa: (Maanta SomalLand)iXus Loo Sammeeyey Mujaahidiintii Fuliyay Hawlgalkii Afduubka Diyaaradii Somali Airline 1984
Somali Newsgeysa January 26, 2011Xaflad lagu xusayay Mujaahidiintii fuliyey hawlgalkii 1984-kii ay ku afduubeen Dayuuradii Somali-Airline Arport-ka Xamar ee kala ahaa Mujaahidiinta Alle ha u naxariitee Cawil Cadami Burhaan, Baashe Muuse Maxamed iyo Axmed Waraabe, islamarkaanaa lagaga hadlayay guudba taariikh halgameedkii ururkii SNM ee dalka xoreeyay.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Afgarad oo xalay lagu qabtay Hotelka Impirail ee magaalada Hargeysa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro, gudoomiye ku xigeenka wakiilada C/casiis Samaale, Boobe yusuf Ducaale, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro) C/wahaab Nakruuma, masuuliyiinta Sooyaal, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaana madashaasi lagu soo qaaday dhacdada afduubka diyaaradaasi, ay xilligaa mujaahidiintaasi fuliyeen hawlgalka, islamarkaana Airport-ka Xamar ka dhacday, taasoo ay sheegeen, in ay tahay taariikh la xuso iyo guud ahaanba SNM, islamarkaana ay tilmaameen inaan taariikhda Mujaahidiintii SNM la muujiyo lana xuso xukuumad iyo shiciba.

Jaamac gaashaan-cade, oo ka waramaya in xilligaa ay taariikhdu ay mujaahidiintu dayuurada afduubeen uu joogay Xamar, kana hadlay waxyaabo uu ka ogaa dhacdadaasi, islamarkaana ay sheeko habka dayuuradaha loo afduubaa ay dhex martay, balse uu sheegay inaanu taasi ku talo galin inay ka wada hadlaan ee ay afkiisa ka soo baxaday, waxanu yidhi isagaoo arrinkaas ka hadlaya

“maalin maalmaha ka mid ah aniga oo iska fadhiya meel gidaar ah oo xaafada ayaa laba nin meel halkaas ah ka soo baxaday way soo sheekaysanayaan, nimankaas markaa wajiyadooda garan maayo ilaa calaamad uu Baashe xidhan jiray ayaan ku fahmay inuu yahay ninkii maalintii dhawayd wax i weydiinayay inuu yahay, dabeedna markay in yar ii soo jiraan ayay is taageen afkay isa saareen cabaar bay meeshii ku wada hadlayeen, way soo socdeen oo ii yimaadeen, haddii la ii yimid, waxa la iga ag bilaabay sheeko ka dib si yar oo fudud uun bay I yidhaahdeen, waar nimankan Falastiiniyiinta la yidhaahdaa ee dayuuradaha afduubaa ma cilmiga dayuuradaha ku duulaan bay wax ka yaqaanaan, siday ku gartaan markay wax afduubayaan meesha ay u socdeen in lagu socdo ayuun bay si caadi ah iiga ag-yidhaahdeen, aniguna markaa waan iska sheekeeyay, waxaan idhi, dabcan waa inuu yaqaaan cilmiga dayuuradaha, hadaanu wax ka aqoonin waa la sirayaa oo meel kale ayaa kale ayaaba laga dajinayaa oo ugu horayn waa inuu Ingiriisida yaqaana luqadan badannaa lagu waada jhadlo, marka labaad waa inuu maabka aduunyada yaqaanaa sida loo kala dagan yahay, marka saddexaad, waxa jira kaarto lagu duulo oo duuliyayaashu yqaaniin cir iyo dhulba, markaa ninka wax afduubayaa bal siduu ku ogaan lahaa wada hadalka socda waa muhiin”

Jaamac gaashaan cade waxa uu sheegay, taariikhda ay ku suntan yahay dayuuradaas ay mujaahidiintaasi afduubeen baal dahab ah ka gashay.

Boobe Yuusuf Ducale oo isaguna ah qoraa, islamarkaa ka tirsanaa ururkii SNM, ayaa sidoo kale ka waramay dayuuradaasi ay so afduubeen Mujaahidiinta kala ah, Cawl Cadami, Baashe Muuse Maxamed, iyo Axmed Waraabe Alle ha u naxariistee, waxanu hadalkiisa ka mid ahaa

“waxaynu ka hadlaynaa waa 15-kii November 1984-kii, sanad Jiilaal abaar ah buu ahaa, waxaan xasuustaa bishii Abril 84-kii oo C/qaadir Koosaar ahaa gudoomiyaha SNM, oo aanu kalfadhi badan oo dhexe ku lahayn Awaare iyo jiilaalkii ka taagnaa iyo abaarii halkaa taalay, dabadeedana 1984-kii bishii August 6-deedii shirweynhii afraad ee SNM ayaa waxa uu ku qabsoomay Jigjiga C/qaadir Koosaar, uu ku wareejiyay gudoomiyenimadii ururka Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta dalkan Madaxweyne ka ah”

“bishaa November ayaa afduubka diyaaradaasi dhacayaa anigu markaa waxaan ku sugnaa magaalada Diridhaba maalin Axad ah bay ahayd Salaad Casar goortii aan aan soo tukaday anaga oo kalfadhigii golaha dhexe ku jirna ayaa lo yeedhday Siilaanyo, dibadii u baxay xafiiskiisii buu tahay, Telefoono may jirin, dabadeed gudoomiyihii markuu soo noqday wuxuu nagu yidhi dayuuradii Somalia Airline ayaa la so afduubay oo la keenay oo fadhida Airport-ka Addis ababa, sheekooyinka Gaashaan cade ka sheekeeyay, dayuurada markay Xamar ka kixiyeen Cadan bay dalbadeen, kadibmarkaasay ku odhanayaan Duuliyihii Kaartada fura oo iska dhigayaan niman yaqaana duuliyenimada, kadib Cadani waxay tidhi maya, markaasay odhaanyaan waxaad tagtaa Addis ababa”

Boobe Yuusf Ducaale, waxa uu sheegay, in dhacdadaasi wakhtigaa mujaahdiinta arrinkaa fuliyey ay masuuliyiintii Uruka SNM fariin u direen inaanay marka sheegin SNM, si ururka iyo iyagaba aan argagaxiso loo qaadan, iyada oo xilligaa cidda dayuurad afduubtaa dunidu u aqoonsato afduub, isaga oo Boobe intaa ku daray, in dhacdadaasi ahayd mid taarikhdu xusi doonto iyo guud ahaanba hawlgaladii SNM”

Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxamaan Maxamed C/llaahi Ciro oo Madashaas hadal kooban ka jeediyey, waxa uu yidhi “waxa la inooga baahan yahay inay dhamaanteen inaynu ururino, xilkaasina waa mid ina wada saaran gaar ahaan ciddii wax ka ogayd ay muujiso taariikhda gasho ay ummada badani wada leedahay si jiil-ba jiilka ka dambeeyaa,

Waxaan xasuustaa alle ha u naxariistee Cawil iyo dhamaantoodba, maalintii ay dayuurada afduubayeen habeenimadii buu isoo maray isaga oo gaadhi wata fogos-waageen ah, dabeedna wuxuu igu yidhi Kismaanyo ayaan tagayaa bal reerkaygii ka war hay waxa laga yaabaa inaan ku yara raagee, markaa 11:00-kii duhur ku dhawaad aniga oo xafiis fadhiya ayuu nin ii yimid waxa uu igu yidhi dayuurad baa la afduubay Cawil iyo niman kalena oo saaxiibadii ahna way la afduubeen, kolkaa markii aan soo raxawaxay galinkii dambe waxaan damacay inaan gurigii soo eegno dabadeed waan tagnay waxa joogay niman askar ah, muddo yar ka dibna gurigii ay reerku deganaayeen er Afgooye dawladu lahayd waa laga soo saaray, waxa kale oo dayuurada la socday oo aan jeclahay inaan xuso waxa la socday wafti baldhaan oo wasaarada arrimaha dibada ka socday oo Chine ku socday, oo ka sii horayn lahaa wasiirka arrimaha dibada ayaa nimankaa ku jiray, waxa ku jiray… dabadeedna markii Microphone-ka laga sheegay ee la yidhi dayuuradu hada laga bilaabo way afduuban tahay, wuxuu yidhi Jalas alla, markaa isagu kalmad uu halhays u lahaa bay ahayad, laakiin markii dambe ee uu xamar ku soo noqday dadku way la kaftami jireen oo waxay odhan jireen “Nabad Sugidaa ku doon-doonaysa.

Markaa waxaan ku soo gabagabynayaa mar labaad Mujaahidiintaasi Ilaahay ha u naxariisto taariikh weyn bay ka tageen”

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay mujaahidiinta C/raxmaan Dayaxo, oo warbxiyay taariikh nololeedkii saddexdaa shihiiid ee hawlgalka dayuuradaasi afduubay 1984-kii, isaga oo ka waramay heerarkii noloshooda ilaa aradaynimadoodii ilaa SNM.

Faysa Maxamed Jaamac oo madasha xuska saddexdaa Mujaahid iyo guud ahaanba mujaahidiintii SNM ka tirisay gabay ku saabsan taariikhdii halganka iyo mujaahidiintii naftooda usoo huray, isalamarkaa xoreeyay dalka. Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubn kale.
Husein Harbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com