Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaaliyada Sucuudiga Oo Dalka Soo Gaadhsiiyay Agab Isboorti

Hargeysa (Somalilandmaanta)-Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Sucuudi Arabia ayaa shalay soo gaadhsiiyey 240 xabo oo kubado ah ururka waayo arag ee horumarinta ciyaaraha.

xafladdii wareejinta deeqdan oo lagu qabtay Huteelka Hadhwanaag, waxa ka soo qeyb galay wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, gudoomiyaha Xisbiga UCID, Salaadiin, qaar ka mid ah dhalin yarada kubadda cagta xubnaha guddida waayo aragga iyo markti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka Horumarinta ciyaaraha ee waayo arag Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa ka warramay ujeeddooyinkii a y ururkan waayo arag u aasaaseen iyo caqabadihii ka hor yimid, isagoo sheegay in abuuritaanka ururkani uu ka dembeeyey markii ay arkeen dhibaatooyinka haysta dhallin yarada xiisaysa ciyaaraha oo aan haysan cid tilmaamta, waxaanu xusay in ururka waayo arag ay sameeyeen da’daalo badan oo ku wajahan sidii dhallin yarada wax loogu qaban lahaa, islamarkaana ay cadaadis badan kala kulmeen xukuumaddii hore, Axmed Maxamed Xasan wuxuu intaasi raaciyey inay 29 tababar k a sameeyeen gobolada Maroodi Jeex, Hawd iyo Gabilay isla markaana ay gobolada kale ka soo fulin doonaan tababaro kuwii hore la mid ah.

C/raxmaan Cabdalle oo wakiil ka ah jaaliyadda Somaliland ee deeqdaa kusoo tabarucday oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaeeyey tallaabooyinka horumarka leh ee ururka waayo araga ku talaabsaday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dhallin yarada Somaliland, taasoo ay ka mid yihiin, iyagoon hayan garoomadii ciyaaraha taasina ah dhaxal siisay inay gidaarada ku qayilaan, guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay xil iska saarto sidii ay u jihayn lahayd dhallin yarada gaar ahaan dhinacyada Ciyaaraha iyo waxbarashada, isagoo u mahad celiyey ururka waayo arag.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday oo m unaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ay ku da’daalyaan sidii ay ciyaaraha noocyadooda kala duwan ay kor ugu qaadayaan soona dhawaynayaan cid kastoo ku gacan siinaya dawladda horumarinta ciyaaraha, waxaanu u soo jeediyey ururka waayo arag oo uu xubin ka hayey wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta, wuxuuna kula dardaarmay da’yarta jecel ciyaaraha inay xirfadooda halkaasi ka sii wadaan.

Dr Axmed Xaashi Oday wuxuu xafladaasi ku guddoonsiiyey 3 kooxood oo ka mid ah naadiyada magaalada Hargeisa ka jira qeyb k a mid ah kubadahan waxaa kale oo shahaado sharaf la guddoonsiiyey guddoomiyaha ururka waayo arag Axmed Maxamed Sawaaxili.

Waxaa kale oo xafladaasi ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo u mahadnaqay jaaliyadda Somalilnad ee sucuudiga ee deeqdan soo gaadhsiisay ururka waayo arag.

Xuseen Cabdi Muxumed Harbi

Maantasomaliland/Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com