Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta Go;aamiyay wakhtiga uu Bilaabanayo Korodhsiimaha Mushaharka Shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamadu.

Hargaysa(maantasomaliland)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta sheegtay in korodhsiimaha mushaharka shaqaalaha dawlada iyo ciidamadu uu si rasmi ah u bilaabmi doono bisha January ee sanadkan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo maanta ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse),arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay maanta fadhigii golaha wasiirada somaliland.

Qoraalkaasina waxaa uu u dhignaa sedan:

Fadhigii maanta oo ee ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada JSLGudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadka 2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba.
Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com