Madaxtooyada Tacsi…………….
Madaxtooyada Tacsi: Madaxweynaha JSL Oo Diraya Tacsi Ku Aadan Geerida Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar Oo Xalay 1.2.11 Ku Baxay Magaalada Tokyo Ee Dalka Jabaan.
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM IBRAAHIM MAYGAAG SAMATAR oo ku geeriyooday Tokiyo waxaanu ilaahay uga baryayaa inuu qabriga u nuuro naxariistiisana janno ka waraabiy.
Waxaanu Dhambaalkan Madaweynuhu ku yidhi ( Aniga oo ku Hadlaaya Magacayga Ka Dawlada iyo Ka shacbiga Reer Somaliland-ba waxan Tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxay alla ha u naxariistee MARXUUM IBRAAHIM MAYGAAG SAMATAR oo ku geeriyooday Tokiyo ALLE Ha u naxariistee MARXUUM Ibraahim Maygaag SAMATAR waxa uu ahaa Aqoonyahan. Siyaasi iyo Halyey Taariikh ku lahaa Dalka iyo Halgankiiba.
ILLAAHAYNA waxan uga Baryahaa inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo
INAA ILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.