Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba nin oo xoola dhaqato ah oo xalay lagu dilay deegaanka oog‏

Qorilugud, February,2 .2 (maantasomalilan)Koox dablay hubaysan oo lala xidhiidhinayo inay ka tirsan yihiin Malayshiyada SSC, ee maalintii doraad dagaalku dhexmaray Ciidanka Somaliland ee ku sugan duleedka Buuhoodle ayaa xalay weerar gaadmo ah ku fuliyay laba nin oo ka tirsan deegaanka Oog. Kadib markii sida ay wararka sheegayaan inay kooxdaa dablayda ahi weerartay labadaa nin oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo waqtigaa xoolo ka waraabiyay Berkedo ku yaal deegaanka Horu-fadhi oo dhinaca Barri kaga beegan qiyaastii 25km Qorilugud. Waxaana halkaa ku geeriyooday Muuse Maxamed Faarax oo lagu naanaysi jiray (ina wadaad dheere), iyadoo dhaawac culusi soo gaadhay Faarax Axmed Ducaale(Faarax Jiir) oo oday da’a ah, kaas oo dhaawaciisa caawa la keenay cusbitaalka magaalada
xuseen xarbi
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com