Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ganacsatada Somaliland oo ku dhawaaqay inay joojiyeen gebi ahaanba soo dejinta badeecadaha kasoo degayay Dekeda Berbera! maxay tahay sababtu?

Gudida Ganacsatada oo xalay shir Jaraa,id ku qabtay Ganacsatada wax kala soo degta Dekeda wayn ee magaalada Berbera ayaa si wayn uga biyo diiday Digreeto ka soo baxday Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland.

Gudida Ganacsatada oo xalay shir Jaraa,id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Berbera ayaa sheegay in Digreeto ka soo baxday Wasaarada Maaliayda taas oo sheegaysa in cashurtii lagu kordhiyay dhamaan badaceedaha ka soo dega Dekeda Berbera 30%.

Gudoomiayaha Gudida ganacsatada Gobolka Saaxil Axmed Maxamed Geele (Timacade) oo ugu horayn shirkaa jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in Dawladu ay mar keliya Kordhisay Rate aad u badan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa (Rate ka ama sarifka dollarku markii hore waxa uu ahaa 3,500sh/sl halkii dollar-ba, (1$) balse hada uu noqonayaa 4,500sh,sl, halkii dollarba (1$) iyadoo ay hal mar Dawladu kordhisay 1000/- Sh/Sl ah(1$), gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay kulan dhexmaray iyaga iyo Wasiirka Maaliyada En. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu yidhi (Wasiirku mar uu Dekeda yimi waxaanu la qaadanay Kullan waxa uu noo balan qaaday in hoos loo dhimayo Cashuurta Badeecadaha laga soo dejiyo Dekada Berbera isagoo shaaciyey in loo samayn doono Badeecada kasoo degta Dekeda Cashuur dhimis lana soo saari doono buug cusub (tariff book) sanadka cusub ee 2011, Balankaasna ilaa hada aanay waxba ka qabsoomin.

Waxa isna halkaa ka hadlay C/rashiid Maxamed X. Yuusuf, oo ah G/ku xigeenka Guddida Ganactada Gobolka Saaxil isagoo faahfaahin ka bixiyay sida ay farsamo ahaan u korodhay cashuurtu waxaana hadaladiisii ka mid ahaa (marka uu Wasiirka Wasaarada Maaliyada uu yidhi waxaan u kordhinay Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawlada Mushaharkoodii 100% ee uu rate-kii Cashurtana ku kordhiyay 30% taas macnaheedu maaha in Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawlada wax loo kordhiyay ) Isagoo sii sharaxaya hadalkiisa waxa uu yidhi (waxaana kuu cadaynaya marka ganacsatada cashuurtii lagu kordhiyo 30% , lacag ay leeyihiina oo ay ku kabayaan Maceeshada si aanay u kicin ma jirto, ee waxay dul saarayaan korodhkan cashuurta maceeshadii, Taas oo si toos ah u saamaynaysaa Ciidamada iyo Shaaalaha Dawalada mana iibsan kari doonan raashin ka),

Waxa sidoo kale Ganacsatadii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Xuseen Axmed Rooble (Gaboobe) oo ah xubin ka mida guddida Ganacsatada ahna Wakiilka Shirkada Omar International Co. (Ominco).ee Gobolada Saaxil iyo Togdheer, isagoo faah faahin ka bixiyay dhibaatooyin uu sheegay in ay kala kulmaan keenista badeecadaha daruuriga ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa (marka hore waxaanu ku qabnaa dhibaato badan keenista Badeecadaha, waxaana ka mid ah wadankeena oo aan lahayn baanan caalami (International Banks)ah, iyo dhibaatada Budhacad badeedu ay ku hayso Maraakiibta iyo Doonyaha ino soo qaada Badeecadaha, iyo raashin yaraan Caalamka soo food saartay), Mr. Gaboobe wuxuu rajo fiican ka muujiyay heer fiican ee wadanku ka marayo xaga technology-ga casriga ah, isagoo sheegay inay suuqyada ku jiraan in ay Ganacstada waawayni waxay cunaqabateeyaan dadka dan yarta ah, Waxaanu Dawlada kula taliyay in ay isticmaasho Internet-ka iyo websites-ka si ay ogaato raashinku heerka uu ka marayo caalamka, iyo raashin yaraantaba.

Ugu danbayntii waxay ganacsatadu Shirkan Jaraaid ku cadeeyeen in ilaa inta arrintan dib loo eegayo, aanay jirayn wax Badeecada oo ay soo dejinayaan ama ay cashuurayaan, iyadoo ilaa hada ay badeecaduhu dhex yaalaan baraxada Dekeda, iyagoo Dawladana ugu baaqay in arrintan dib looga noqdo lagana wada hadlo.

Waxay Guddigu shirkooda jaraa’id kusoo bandhigeen Digreetadaas lagu kordhiyay Cashuurta taas oo kasoo baxday Wasaarada Maaliyada kuna Saxeexnaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Arrintan ay ka qayliyeen Ganacsatada wax kala soo degta Dekeda Magaalada Berbera ayaa durba la dareemay iyadoo labadii cisho ee ugu danbeeyey aanay jirin wax badeecad ah oo ka soo baxday Dekeda taas oo sababtay in qiimaha badeecaduhu uu hawada isku shareero Suuqyada Magaalooyinka Somaliland

tan iyo intii uu wasiirka maaliyada noqday Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa uu wasiirku isku qaaday sidii uu dakhliga dekeda soo gala ula wareegi lahaa maaliyad ahaan isaga oo markii ugu horeysay doonay amaba isku dayay in uu la wareego lacagta adag ee dekedu qabto taas oo sababtay in ay isku dhacaan wasiirkii hore ee ay dekedu hoos tagi jirtay wasaaradiisa ee kaluumaysiga dhawaanta xilka laga tiriyay aakhirkiina qeyb kamida lacagta adag ee dekedu qabato uu wasiirka maaliyadu la wareegay
maxa,ed jamac berbera

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com