Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Bayaan ay soo saareen beelaha bariga burco

Ku: Guddidii ka garnaqday Dhibaatidii Kalshaale
Ku: Cidii Kasta oo ay Khusayso.

Ujeeddo: War Cad oo ka Soo baxay Beesha Habar jeclo oo ku saabsan Dhibaatadda Kalshaale iyo Xukun Qaadashadii Meygaagle
Waxaanu umadda u Cadddaynaynaa Weerarkii ka dhacay Maalintii Cidul-Adxaa ee ay ku dhinteen dadka badan , isla markaana gestay Dhaawaca badan werarkaas oo ay soo qaadeen Beelaha Buhoodle, kuna soo qaadeen tiro yar oo ka tirsan Beesha Qorulugud intaas ka Dib markii falkaasi dhacay waxaa shir isugu yimi Beelaha Habar Jeclo oo isaga kala yimi Deegaamadda Beeshu degen tahay, waxaana shirkaa kasoo baxay sidii Colaadda loo joojin lahaa, loona Xakamayn lahaa Ardaagii Weerarkaasi ku dhacay geystay dhimashadda iyo Dhaawacaba, gurmadkaas oo ay wateen Salaadiin, Cuqaal, Culimo-Awdiin iyo Waxgaradka Beesh, waxaana lagsugu tagey Qorulugud wada hadal ka dib reer Qorulugud waxa Waafaqeen in Nabadgalyadda la Adkeeyo.

Waxaa iyana gurmadkooda ku yimi Beelaha Reer soomaliland oo ka kala yimi Goboladda Dalka oo Dhan Min Saylac ilaa Sanaag oo noogu yimi Qorulugud, kuwaaso
o ay Hogaaminaayeen Salaadiin, Boqoro, Culimo Awdiin, Cuqaal iyo Waxgarad Badan,markii ay nala kulmeen waxay nasoo gaadhiisyeen Tacsi waxay Aad uga hadleen dhibtii ka dhacday Meesha, waxay kaloo na waydiisteen Xabbad joojin waaana ka Aqbalnay, ka dib markaanu qiimaynay iyagoo Hawlahoodii iyo Danahoodiiba soo dhigay Safaro Dhaadheerna soo galay waxay u socdaana ay tahay inay Beelaha Walaalaha ah Nabad dhex dhigaan, annagoo aad iyo aad ugu Hambalyeynaayana uguna ducaynayna in ilaahay Ajar weyn ka siiyo.

Intaas ka dib  waxay u gudubtay dhinicii Beesha Buuhoodle waxaanay isugu yimaadeen Meygaagle, waxaa kaloo Ergada ku soo biiray ergo Puntland ka timi oo isugu jirta Garaado, Culimo Awdiin , cuqaal iyo Wax garad kale, iyaga laftoodana waxaanu ugu ducaynay in ilaahay ka Abaal Mariyo Dedeaalkaas Nabadaynta ah ee sameeyeen, halkaasna waxaa ku Midoobay Labadii Dhinac ee Nabad Raadiinta ahaa ee Soomaaliland iyo Puntland oo isku guddi dhexdhexaaad ah Noqday.

Ergadaaas waxay Xabad joojin Waydiiyeen Beesha Reer Buuhoodle wayna ka Aqbaleen, intaas ka dib guddidi waxay soo saareen oo Beelihii ku Wargaliyeen in meesha lagu kala garqaadanayaa ay tahay Maygaagle, iyo in ay ugu horayn labada dhinacba laga qaado dhaar Min 25 Oday oo ah Cidda Reeraaha waxna u Xidha waxna u furta, waxaa lagu garnaqsanayaana ay tahay Shareecadda Islaamka Maadaama aynu nahay Dad islaam ah.

Guddidaasi waxay dalbadeen Culimo Aqoon u leh Diinta Islaamka, kana Dalbadeen Soomaaliland iyo Puntland, ilaahay xamdigii way isu yimaadeen Culimadii halkaas ayay Ergadii oo Midaysna ilaa Culimadii ku soo Saaree Go’aankii Xukunka ahaa, go’aankaas oo soo baxay 8.12.2010 Waafaqsanaa 3.1.1432H.

Haddii aanu nahay Beelaha Habar Jeclo iyo Dhulbahante waxaanu nahay, dad walaalo ha Ceel Caws, Miyi iyo Magaalaba Wad Degen oo ah isku nool isku dan ah.

Sidaas Daraadeed, Haddaanu nahay Beesha Habar jeclo Waxaanu Jecel nahay in Walaalahayo nala gartaan wixii noo dan ah Waxaanuna soo Jeedinaynaa Qodobadan hoos ku qoran.

  1. 1 Waxaanu sidiisa u Qaadanay kuna dhaqmaynaa go’aankii ay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta ee ka so  baxay  Meygaagle 8/12.2010.
  2. 2 Waxaanu Wada hadal la geli karnaa Walaalahayo reer Buuhoodle marka ay si dhamaystiran u qaataan go’aankii ka soo baxay Meygaagle ee ku salaysnaa Shareecada Islaamka.
  3. 3 Waxaanu Amaan iyo Ducoaba u soo jeedinaynaa Ciidanka qaranka Soomaaliland sid ay isu Xilsaareen una Adkeeeyeen Amaanka.
  4. 4 Waxaanu u mahada naqaynaa cid kastoo Arrintan Nabadaynta ah ka qayb qaadatay ay ugu horeeyaan Ergooyinkii Dhexdhexaadinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com