Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dekadda Berbera oo maanta aan waxba laga Cashuurin iyo Xafiisyadii Maaliyadda oo Haawanaya. iyo afar doonyod oo dakada barbera ka gostay oo u waregay tekada bosaso cashuur lagu kordhiyay awgeed‏

Saaka oo aan booqanay dekeda iyo xafiisyada maaliyada ee kastamka Berbera hadaynu ku horeyno dhinaca barxadaDekeda weyn ee magaalada Berbera oo manta oo kale(Sabtida)looga bartay in ay ka bilaabmaan shqooyin xoogan oo ay kula baxayaan badeecadahooda kala duwan ee dekeda uga soo dega

Haddaba saaka oo aan booqanay dekeda iyo xafiisyada maaliyada ee kastamka Berbera hadaynu ku horeyno dhinaca barxada dekeda waxay aheyd meel aad u camiran oo ay buux dhaafiyeen gaadiidka bada eek ala duwan oo sida badeecadaha nooyadooda kala duwan iyo gaadiidka nooyadiisa kala duwan oo tiro badan gaadiidka ayaa qaarkooda ayaa saaka soo gaadhay dekeda Berbera oo aan wali shaqo laga bilaabin halka kuwa hore usii joogay la rogaayay oo shaqo ka socotay laakiin waxaan jirin haba yaraatee waxa gadiida oo laga raryo dekeda gudeheeda sida bakhaarada iyo koonteenarada

Waxa kale oo iyaguna haawanayay oo aanay shaqo kajirin gabi ahaana aanay cidi joogin xafiisyada maaliyada ee kastamka oo lagu yaqaanaymashquul farabadan iyo shaqooyin xoogan oo aan hadiyo jeer meel lakala maro aan laheli jirin waxaana xarunta kastamka la soo hor dhobi jiray gaadiid sida lacagta lagu cashuuro badeecadaha kala duwan ee dekeda ka soo dega ee ay keenan ganacsatadu

Arimahan ayaa lala xidhiidhinayaa in ay sabab utahay Ratekii sarifka lacagta ay ganacsatadu wax ku cashuurato oo wiigan gudihiisa uu kordhiyay wasiirka wasaarad maaliyad soomaaliland Eng.Maxamed Xaashi Cilmi kordhintan rateka oo badeecadaha kala duwan ku kordhinaysa 30% ayaa waxa dareen sasle ka bixiyay ganacsatada wax kala soo degta dekeda Berbera iyaga oo shirjaraa.id oo ay qabteen ku dhawaaqay in ay joojiyeen dhamaan shaqadoodii iyo ganacsigoodii iyaga oo sheegay in aanay alaabtooda dekeda taalana aanay la baxeynin oo halkaa dekedda dhexdeedd udeynaya ilaan inta ay xukumadu arintaa wax ka bedelaysoo iyaga oo intaa raaciyay in uu mar uu wasiirku Berbera socdaal hawleed kuyimi uu ubalan qaaday ganacsatada in uu cashuurta jabin doono oo uu bug tacriifadeed oo cusub sanadka cusub ee 2011 soo sari doono ganacsatadana uga jabnaan doona tacriifadii hore wax loogu cashuuri jiray balse taasi dhashay in iyagii lagu kordhiyo

Arimahan ayaa waxa lagu tilmaami karaa inay keeni karto in ay ganacsatadu uwareegaan dekeda boosaaso ee maamul  putland haddi aan dagdag wax looga qaban oo anay xukumadu soo fara galin.
sidoo kale afar donyood u rarna ganacsatada ayaa u waregay dekada bosaso cashurto lagu kordhiyay awgeed

wariye; xusen harbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com