Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Maaliyada Oo sheegay in liisanada lagala Noqon Doono Ganacsada Aan U Hogaansamin Cashuuraha Ay Ku Soo Rogtay Wasaaradu, Beeniyayna Inuu Iscasilayo Iyo Shaqaale Cabasho La Hortagay.


Hargeysa(maantasomaliland.com) Feb.05, 2011 – Wasiirka maaliyada Somaliland Md Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta sheegay in uu liisanada kala noqon doono ganacsatada u hogaansami wayda cashuuraha cusub ee ay wasaarada maaliyadu ku soo rogtay, isaga oo ballan qaaday inuu soo saari doono cashuuro hor leh oo taaban doona dhammaan qaybaha kala duwan ee ganacsatada yar-yar.

Hadalkan waxa uu wasiirku ka sheegay shir’jaraa’id oo uu saaka ku qabtay xafiiskiisa, isaga ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay qaar ka mida ganacsatada wax ka soo dajiyay dekeda Magaalada Berbera oo cabasho ka muujiyay cashuurta lagu soo rogay, kuwaas oo sheegay in ay wax kala soo dagi doonaan dekeda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, haddii ay xukuumadu ka noqon waydo go’aanka ay ku kordhisay cashuuraha laga qaado alaabooyinka dibada laga keeno.

Md. Xaashi waxa uu meesha ka saaray in ay jirto cashuur xad-dhaaf ah oo ay wasaaraddu ku khasbayso ganasatada si ay dawladu u hesho lacag ay ku kordhiso miisaaniyada qaranka oo dhawaan la horgayn doono golaha wakiilada si loo ansixiyo, waxa uu yidhi wasiirku isaga oo arrintaas ka hadlay ”Lacagta ay nimanka ganacsatada ahi ka qaylinayaan waa lacag yar oo qiime kordhin ah, waxa kaliya ee ay doonayaan waxa weeye in ay kaligood wax faa’iidaan, annagu waxa aan cashuuraynaa waa qiimaha ee maaha lacag cashuura oo lagu kordhiyay waxa ay meesha ka saareen ganacsatadii yar-yarayd oo cagabaruurka ahayd libaaxa ka yar ayaa la yidhaahdaa cagabaruur, markaa ganacsatada yar-yari waxa ay u baahan yihiin in ay u koraan sida cagabaruurka, waxaan xalay TV-ga ka daawaday niman leh Boosaaso ayaanu wax kala soo dagaynaa, haddii ay sidaas yeelaan waxa aanu kala noqon doonaa liisanado, taana xaq baanu u leenahay oo sharciga noo yaala ayaa noo ogolaanaya, cashuurta annagu ma kordhin karo oo illaa golaha wasiirada la horgeeyo ma noqon karto wax sharci ah.

Waxa uu wasiirku beeniyay warar maalmahan la isla dhex-maray oo sheegay in uu wasiirka doonayo in uu iscasilo, kadib markii uu khilaaf xoogan soo dhexgalay isagu iyo Madaxweynaha, kaas oo ku saabsan nidaanka loo maamulayo kharash-garaynta miisaanayada qaran ee ay ansixiyeen golaha wasiiradu todobaadkii hore, halka warar kale sheegayaan in xaalad caafimaad-darro ee soo food-saartay wasiir Xaashi ay sabab u tahay iscasilaadisa, waxaana uu yidhi “Annigu kumaan riyoon xataa iscalilaadayda mana garan karo meesha laga keenay, kolay qoladiina saxaafada wax aad doontaan ayaad qortaan, haddaba isma casilayo”.

Dhanka kale, waxa iyana mudahraad la hortgay xarunta wasaarada Maaliyada shaqaalihii dhawaan ku hoobtay imtixaankii laga qaaday, kuwaas oo ay xukuumadu u ballan-qaaday in aan laga jari doonin mushaharkii ay qaadan jireen, balse waxa ay sheegeen shaqaalahan in aan la siin illaa hadda wax mushahar ah.

Hibo Axmed oo u hadlaysay shaqaalahan, ayaa sheegtay in aanay dawladu fulin ballan qaadkii ay u samaysay, waxaana ay tidhi ”Wixii naloo ballan-qaaday waxba kama jiraan muddo dheer ayaanu ka shaqaynay wasaaradan, wax xuquuqana lama siin, waxaan ahay hooyo carruur ayaan hooyo iyo aabo u ahay wax ubadkaygii helaan ma jirto”.

hussein harbi

hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com