Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Oo Ka Qaybgalaya Shirwayne Ay Bulshada Caalamku Ku Leedahay Dalka Ingiriiska Oo Ku Saabsan Arrimaha Siyaasadda Soomaliya.



Hargeysa(maantasomalilnd.com) Feb.05, 2011 – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, isaga oo ka qaybgalaya shir ay wadaankaasi isugu imanayaan wufuud ka socota bulshada caalamka oo ku saabsan xaaladda sii-murgaysa ee Soomaliya.

Dawladda Somaliland, oo shir waynaha si toos ah loogu casuumay, waxaa laga codsaday inay bulshada caalamka la wadaagto waayo-aragnimada ay u leedahay nabadaynta, qaran dhiska iyo heshiisiinta siyaasadda. Waa markii ugu horaysay ee bulshada caalamku Somaliland siiso fursad ay fagaaro caalami ah kaga hadasho horumarkeeda xagga siyaasadda iyo nabadgelyada, fikirna ka dhiibato arrimaha soomaliya sidii loo furdaamin lahaa.

Sida la ogyahay wakhtigii loogu talo galay maamulka ku meel gaadhka ah ee soomaliya wuxuu ku dhawyahay dhammaad, waxaana dood badani hadda ka taagan tahay wixii laga yeeli lahaa. Beesha caalamka ee ku hawlan arrimaha soomaliya waxay la tashi balaadhan isugu yeedhay masuuliyiin ka socda geeska Africa, Yurub, Maraykanka iyo hay’ado caalami ah oo madaxbanaan, waxaana hormood ka ah wasaaradda Arrimah Dibadda ee dawladda Ingiriiska.

Mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku saabsan arrimaha soomaliya, sidii horeba xukuumaddu u cadaysay, waxaa weeye in Somaliland taageersan tahay dadaalka caalamku ugu jiro sidii amniga dib loogu soo celin lahaa soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay mar kasta saamayn toos ah ku leedahay nabadgelyada Somaliland. Haseyeeshe Somaliland waa dal xor ah, madaxbanaan, kuna dhaqma nidaamka siyaasadda ee ku dhisan habka dimuqraadiyadda iyo tala wadaagga, waxayna caalamka ka dalbanaysaa aqoonsi siyaasadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

Jamhuuriyadda Somaliland

hussein harbi

hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com