Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Iyo Baanka Dhexe Oo la daala dhacaysa Hoos U Dhaca Dollarka Iyo Sicirka Maceeshada Oo Cirka Isku Shareeray.



Hargaysa (maantasomaliland) Feb.05, 2011 – Waxa maalmahan hoos u sii dhacay Sarifka Lacagaha Qalaad gaar ahaan Dollarka oo aad looga isticmaalo Somaliland, Qiimaha Meceeshaduna ku salaysan tahay, waxaanu xalay gaadhay halkii ugu hoosaysay maalmahan iyadoo halka Dollar lagu sarifayay Shan kun iyo Laba Boqol oo shilinka Somaliland ah.

Hoos u dhaca qiimaha Dollarka waxa barbar socda sare u kaca qiimaha Maceeshada halkii ay ahayd inay jabto maceeshadu marka uu hoos u dhaco Dollarku, tani waxay keentay in Dad badan ay goyn kari wayaan Quutal daruuriga, madaama oo Shacbiga Reer Soomaliland badidoodu ay ku tiirsan yihiin Lacago dibada looga soo diro.
Arrintan waxa lagu eedaynaayaa inuu waxba ka qaban waayay oo uu ku Guuldaraystay Maaraynteeda Baanka Dhexe ee Somaliland oo isaga ay  wajibaadkiisa tahay ilaalinta Qiimaha Sicirka Lacagaha iyo xoojinta awooda Shilinka Somaliland, iyadoo hoos u dhacani bilaabmay markii Maamulka cusub ee Xukuumada Siilanyo talada qabteen Bishii July oo haatan laga joogo mudo lix bilood ah, waxaana shaqayn wayay balanqaadyo uu Maamulka cusubi sheegay inuu soo celinayo Qiimihii Dollarka si meceeshadu ugu soo noqoto halkeedii.

Ilaa hada Maamulka cusub ee Baanku muuqaadin talaabooyinkii Maamulkii ka horeeyay ay ku xalin jireen marka ay arrimahan oo kale dhacaan sida iyagoo gayn jiray suuqyada Lacag Kaash Somaaliland ah oo faro badan iyagoo ku sarifi jiray Qiimo ka sareeyay  qiimaha suuqa, isla markaana xidhiidh la yeelan jiray Sariflayaasha si ay ula shaqeeyaan Siyaasada Baanka Dhexe, taasoo aan ilaa hada suurto galin, waxa kale oo aan suurto gelin in Dalka la keeno Lacag ay Xukuumada cusubi sheegtay inay soo daabacayso si ay meesha uga baxdo yaraant noodhadhka Shilinka Somaliland oo suuqyada gaabaabsi ku ah.

Waxa kale oo sababaha loo tirinayo ka mid ah iyadoo Xukuumada cusub gaar ahaan wasaarada Maaliyadu ururisay Shilinkii Somaliland isla markaan ay yartahay waxa ka soo noqda, taasi oo dhibaato ku noqotay in Suuqyada laga helo Lacagta Somaliland oo faro badan.

Arrintan waxa kale oo ay dhibaato ku tahay Shaqaalaha iyo Ciidamada loo kordhiyay Mushaharka oo aanay waxba u goynayn madaama oo Maceeshadii Cirka isku sii shareerayso, ilaa hadana wax talaabo ah aanay qaadin Xukuumada Siilanyo oo laga rabay inay isku miisanto sarifka Dollarka iyo Qiimaha Meceeshada talaabana laga qaado cidii ku xad gudbta.

Arrintani waxay ku soo beegan tay iyadoo Ganacsatada Dalku aya diideen Cashuur kordhin ay Xukuumadu ku samaysay  Badeecadaha ka soo dega Dekada Berbera.

hussein harbi

hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com