Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ganacsata wax kala soo degta dekeda berbera oo gaashaanka ku dhufatay cashuur cusub oo dowladu ku soo rogtay



Qaar ka mid ah ganacsatada wax kala soo dega marsada magaalada Berbera, ayaa u qaadanwaa iyo looma fadhi ku tilmaamay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo boqolkiiba sodon (%30) lagu kordhiyay guud ahaanba cashuuraha.

Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada Magaalada Berbera Axmed Maxamed Geelle (Tima-cadde) oo khadka telefoonka ugu warramay shebekadda Berberanews oo wax ka weydiisay sida ay u arkaan korodhka cashuuraha ee maaliyaddu soo saartay, ayaa sheegay guddi ahaan shir ay isugu yimaadeen in tallaabadaasi tahay mid aan suurtagal ahayn oo aanay aqbali doonin.

Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada oo ugu horayn ka jawaabay sida ay u arkaan go’aanka ka soo baxay maaliyadda, ayaa wax uu yidhi sidan, “Arrintaas waxaannu u aragnaa mid caqliyada ka fog, weligeedway dhici jirtay in cashuur la kordhiyo, laakiin waxa layaab ah inay boqolkiiba sodoon (%30) mar qudha la kordhiyay, waxa kale  oo jirtay malmihii xukuummadda cusubi dhalatay inay %20 kale kordhisay, annagoo kordhintii hore doonaynay inaanu wasiirka maaliyadda kala hadalno ayay tan cusub oo aan loo fadhiyinina ka daba timi.” Axmed waxa u intaa ku daray  “Guddi ahaana shir baanu isugu nimi oo waxaannu isla garanay inaanay suurtagal ahayn kordhinta cusub ee cashuuruhu , lagana hawlgalo in cidii ay khusayso loo tago.”

Guddoomiyaha Guddida ganacsatada Berbera waxa uu sheegay inay tallaabadan wasaaradda maaliyaddu ku kordhisay cashuuraha ay caqabad iyo hakad gelisay habsami-u-socodkii shaqada, waxaannu yidhi sidan, “Ganacsatadii allaabooyinkooda loo qiimeeyay maalmihii ka horreeyay intii aan go’aankani soo bixin ee lacagta uun laga sugayay inay bixiyaan waxa dhacday in dib loogu celiyay oo la yidhi wareegtada cusub ee cashuur kordhintaa lagu hawlgelayaa.
Arrintaasii saammayn way ku yeelatay oo qof kastaaba isagoo yaaban ayuu iskaga tegay bagaashkii iyo wixi ka yaalay dekedda.”
hussein harbi
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com