Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

maxaad kala socotaa siyaasad xumada suldaan siciid suldaan cabdi salaan iyo kala qayb qaybinta beesh warsangali ee uu horseedka kayahay iyo shakhsiyaad uu isagu ku qadhaabto oo uu u kala diray punland .soma liya iyo laba sanadood uu cadho kaga maqnaa dalkiisa hooyo hadaba waa kuma suldaanka guud ee beelaha warsangali?

suld-siciid-c-salan-photo-file-300x225maantasomaliland):-qaybtii koowaad
suldaan siciid suldaan cabdi salaan suldaan calishire waa suldaankii 26-27 ee beelaha warsangali.awoowgii
suldaan muxumed cali shire waqtigii uu noolaa ee ay talada beesha warsan gali hayey beeshu waxay ahyd mid isku duuban oo dhib iyo dheef wadaagta
beesha warsangali magtana way wada bixin jireen .wa wada qaadan jireen magta.beeshuna waxay ahayd mid guud ahaan
ka talo qaadata awoowgii suldaan muxuumed cali shire
hadaba waagii aabihii suldaan cabdi salaan talada beesha warsangali qabtay waxaa dhacay oo beesha warsangali la soo daristay xukun dabacsanaan.
beeshii warsangalina way sii kala furfurantay.
hadaba maalintii uu suldaan siciid talada reerka uu qabtay ee uu aabihii ka dhaxlay suldaan cabdi salaan ayaa beelihii warsangali iskood u kala baxeen
hogaamin xumo darteed waayo waxaa laga
waayay karaamadii uu suldaan lahaa iyo isagoo ku kacay kala qaybin uu kala qaybiyay beelihii warsangali iyo waliba hogaamiyayashii iyo aqoon yahanadii iyo saraakiishii beesha warsangali lahayd
oo ka waayay qadarin iyo xishmadii ay ku lahaayeen suldanka sida uu dhaqanku ahaan jiray.
taasina waxay sababtay in magtii lagu kala tago awal la wada bixin jiray iyo wada qaadashadeedii
suldaan siciid waqtigan la joogo waxaa lagaga tagay xero madhan .waxaa uu ku koobmay lafta uu ka soo jeedo isagu asal ahaan oo loo yaqaan bah-majeerteen
iyadoo beel waliba samaysatay( suldaano ,garaado,boqoro. )
warsangali cid taariikhdiisa siyaasadeed hogaamineed ee ilaa hada la socotaa ma jirto wxaana blshooyinka kala duwan ee ay la nool yihiin ku qufulan magacii hore . cid ka war bixisaana ma jirto.
hadaba akhriste saldanadaha .garaadada iyo boqorada ka hoos baxay suldaan siciid waxaa ka mid ah 1- beesha DUBAYS ooimika leh ilaa sadex suldaan

2- beesha Aadan- Siciid oo imika leh suldaaan iyo garaad 3-Beesha Nuux cumar oo iyana samaysatay suldaan u taliya
4 beesha Warlabe oo leh garaado IWM oo iyana beeshooda u talya iyo waliba beelo tiro badan oo iskood u madax banaan oo cid xukuntaa aanay jirin balse ku
tala jira inay samaystaan hogoono madax dhaqameedyo u ahaada.mustaqbalka iyo wakhti xaadirkanba.

Sikastaba ha ahaatee ma jirto meel beelaha warsangali isugu yimaadeen oo ay ku shireen oo ah inuu suldaan siciid uyahay suldaanka guud.
dhinaca kale burburka siyaasadeed ee saameeyay beelaha soomaaliyeed oo dhan ayaa keenay ujeedooyin siyaasadeed oo oo gaara in lagala soo baxo hebal guud
ama suldaan guud isagoo uga faaidaysanaya dano shakhsiyadeed oo gaar ah
hadaba suldaan siciid si uu ugu shaqaysto magaca suldaanka guud isagoo lumiyayay karaamadii iyo mulgihii kursigiisu lahaa iyo waxii
kalsooni uu ku lahaa shacbiwaynaha waxuu suldaankan is magacaabay samaystay kooxo cid ay matalaan aanay jirin balse uu isagu ku qadhaabto
kooxdaas oo hadba meel uu ku martiya sida somalya puntland iygoo ujeedadoodu tahay qadhaab raadis ay wada qadhaabanayaan suldaankan is magacaabay.
sidoo kaleeto hadba cidii baahidiisa badan u fulin wayda ayuu ka soo cadhoodaa..markaasay kooxdii uu dhigtay u ladqabaysaa si uu u fushadaan arimahooda siyaasadeed ee u gaarka ah

ee ujeedaduna ahayd danta laga leeyahay beesha warsangali in lagu meel marsado
hadaba akhriste ma la socotaa in ceebtii ugu waynayd ahayd markii ay ay socdaal ku soo wada mareen ergo gogol nabadeed ahyd oo jifo hoosaad ahayd gaar
ahaan beesha naaleeye axmed ee dhulbahante gobalada sanaag togdheer iyo saaxil balse isaga aanay cid gogoshaa ku casuuntay aany jirin cid soo dhawaysayna aanay jirin

sidaasi darteed waxaa magac xumo u ah beesha warsangali in suldaankoodii guud oo matalaya nasabadii beelaha warsangali oo dhan uu sharf daro ku dhex cararayo gaar ahaan qadhaab raadis isagoo ah in uu gobaladii somaliland oo dhan marayo cidina aany wax ka waydiinayn kuna soo dhawaynayn iyadoo beesha gogosha loo fidiyay ay soo dhaweeyn waa beesha naaeeye axmade xubno ka tirsan golaha wasiirada somaliland
lasoco qaybta labaad ee qormadan

yuusuf faarax cali geedi
norway

free lansser journalist
ahna qurba jooga beesha warsangali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com