Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida La dagaalanka musuq maasuqa oo maanta lagu dhawaaqay iyo khudbadii Madaxwayne Siilaanyo.

hantida oo qudha kuma lunto waxaa ku luma macnawiyada uu dalku leeyahay,waxaa ku..Madaxwayne Siilaanyo……
Hargaysa(Maanta Somaliland):-Guddida la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga qaranka ayaa maanta laga dhawaaqay magaalada Hargaysa,Guddidan oo ah Guddi Qaran oo madax banaan ayaa u taagan sidii loogu guulaysan lahaa nidaamka maamul wanaaga oo loo dhanyahay kuna dhisan cadaalad,wada tashi iyo la xisaabtan,

dhawaan ayuu Madaxwaynaha Somaliland Digreeto ku magacaabay Guddoomiyaha,Guddoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha hay’adani la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga qaranka.

Munaasibadan maanta lagaga dhawaaqay Guddida la dagaalanka Musuq maasuqa iyo Maamul wanaaga Qaranka oo lagu qabtay hotelka Maan-soor ee magaalada Hargaysa,waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud,Wasiirka War faafinta Axmed Cabdi xaabsade,Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi,Wasiirka Boosaha iyo Is gaadhsiinta Axmed Xaashi Oday,masuuliyiin ka socday xisbiyada Qaranka,saraakiil ka socday Hay’ada UNDP,xubno ka socday hay’adaha iyo ururada wadaniga ah,Ganacsatada wadaniga ah iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud oo ka qayb galay munaasibadan lagaga dhawaaqay Guddida la dagaalanka musuq maasuqa oo khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in xibiga Kulmiye markii uu ol-olaha ku jiray wax yaabihii uu balan qaaday ay ka mid ahayd in uu abuuri doono guddida la dagaalanka Musuq maasuqa “xisbiga Kulmiye markii uu ol-olaha ku jiray waxyaabaha xisbiga Kulmiye uu balan qaaday waxaa ka mid ahaa la dagaalanka musuq maasuqa”.

waxaa kale oo uu madaxwayne Axmed siilaanyo sheegay in aanay hantida oo qudha ku lumin musuq maasuqa laakiin ay ku lumaan mustaqbalka dhalinyarada,niyada dadka iyo mooraalkooda “hantida oo qudha kuma lunto musuq maasuqa,waxaa ku luma macnawiyada uu dalku leeyahay,waxaa ku luma niyada ay dadku dalkooda u hayaan,waxaa ku luma mustaqbalka dadka dhalinyarada ah siday u fikirayaan iyo dhismahooda,mooraalkooda iyo niyadooda iyo sidoo kale adeega umada loogu adeegayo Aayahooda danbe.
waxaa loo baahan yahay wixii imika ka danbeeya in hirgelinteedii iyo shaqaynteedii iyo fulinteedii waa jibaadkii loo xil saaray ay ka soo baxdo”.ayuu yidhi.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu intaasi ku daray in xukuumadu ay garab taagan tahay sidii loo xoojin lahaa hay’adan”haddii aanu nahay maamulka maanta jira oo aan anigu ahay madaxwaynaha dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxaanu anaguna aad u adkaynaynaa, garab is taagaynaa, xoojinaynaa, Hay’adaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo abuuritaanka maamul wanaaga”.

sidoo kale madaxwayne Siilaanyo ayaa xusay in marka laga hadlayo musuq maasuq dadka qaar u qaataan in cid gaar ah loo jeedo,isaga oo tusaale u soo qaatay in marka ay dadku shaqada dawlada gelyaan ay odhan jireen meeshu sidee ayay dhac-dhac u leedahay taasina uu macnaheedu ahaa in la xalaalaysanayay hantida umada, balse maanta loo baahanyahay in taasi laga baxo oo xisaabtanka laga bilaabo ka ugu sareeya oo ah madaxwaynaha ilaa ka ugu hooseeya “waxaa laga yaabaa marka laga hadlayo musuq maasuq had iyo jeer dadka qaar ayaa u qaata in cid gaar ah la eryanayo ama cid gaar ah la xumaynayo,waxaan beri hore maqli jiray marka dadku shaqada dawlada gelayaan waxaa la odhan jireen mushaharku macaan malaha ee meeshu dhac-dhac maleedahay,macnuhu waxaa weeyi waxaa la xalaalaysanayay ama dadku iska aqbalayay oo looga dhigayay in ay tahay wax caadi ah in uu dadku ka helo meel uu wax ka manaafacaado oo uu markaa mujtamacuna aqbalayay,waxaynu maanta doonaynaa in aynu abuurno oo ku dhaqaaqno in ay taasi dhamaato oo lagaga bilaabo heerka ugu sareeya ama madaxwaynaha ilaa ka u hooseeya in ay taasi noqoto wax xaaraan ah oo aanay umadu aqbali karin oo dadka niyad jabisa oo xumaysa”.ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Guddoomiyaha Hay’adan la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga Qaranka Axmed Muxumed Madar ayaa faah faahin ka bixiyay u jeedada loo Aas aasay Hay’adan la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga Qaranka,waxaana uu sheegay in maamul xumada iyo musuq maasuqu ay soo taxnaayeen tan iyo markii ay Somaliland goba nimad aka qaadatay istic maarkii ilaa doorshadii u danbaysa,sababta hay’adan loo Aas aasayna ay tahay sidii looga leexan lahaa dariiqaasi qaldan ee loo raaci lahaa dariiqa saxda ah.

isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan doonayaa in aan laba eray ka idhaahdo sababta loo aas aasay Hay’adan,waxay tahay maamul xumo soo taxnayd tan iyo intii aynu goba nimada ka qaadanay isticmaarkii ilaa iyo doorashadii u danbaysay ee aynu galnay maamul xumo soo taxnayd in aynu ka baxno oo aynu ku bedelo maamul wanaag,taasi oo aynu maanta garan karno dhibaatada ay dalkeena soo gaadhsiisay tan iyo intii aynu dib ula soo noqonay xornimadeena sababtaasi oo aan maanta sharaxaad badan aan u baahnayn ayaa dhalisay in hay’ada noocan ah la magacaabo,si aynu uga leexano dariiqii qaloocnaa oo aynu u qaadno dariiqa saxda ah”.

Hussein Harbi

Hargiesa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com