Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay ka qaybgalka Somaliland ee arrimaha shirka dhawaan lagu qabanayo dalka Biljamka

YoonisHargeysa(maantasomaliland):-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay ka qaybgalka Somaliland ee arrimaha shirka dhawaan lagu qabanayo dalka Biljamka ee dhaqaalaha loogu uruurinayo Somaliya iyo sababta ay Somaliland ku diidayso ka qaybgalka shirkaas sidaana waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotelka Maan-soor ee magalaada Hargeysa,wasiirku waxa uu sheegay inuu doonayo inay xidhiidh wanaagsan wada yeeshaan bahda warbaahinta “anigu sidaad la socotaan waxaan ahay wasiirka arrimaha dibadda waxaanan doonayaa inaan yeelano calaaqaad wanaagsan oo ka shaqaynaya danta guud iyo arrimah qaranimada islana wada shaqayno” ayuu yidhi Mr Biixi Yoonis.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu doonayo inuu soo dhaqaajiyo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland isaga oo soo amba qaadidoona halkii uu ka soo gaadhay wixii ay qabteen wasiirradii isaga ka horeeyey ee soo maray arrimaha dibadda “waxaan doonayaa inaan ka sii ambaqaado siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadda halkii aan ugu imid ee ay iiga horeeyeen wasiirradii iiga horeeyey” ayuu yidhi “waxaan diyaar u ahay inaanan ka xishoonin oo aan geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulo sidii aan ku keeni lahaa aqoosniga Somaliland” ayuu yidhi Mr Biixi Yoonis.
si doo kalana waxa uu soo qaaday arrimaha wada haddlada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya waxaanu sheegay inay hormar fiican tahay inay Somaliland la fadhiisato Somaliya si ay arrimaheeda ugala dooddo Somaliya “waxaan u arkaa inay arrin hormara tahay oo ay fiicantahay inaynu Somaliland ahaan la fadhiisano Somaliya oo aan kala hadalo arrimaheena” ayuu yidhi MrBiixi.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inaysan Somaliland ka qaybgalaynin shirka dhawaan Somaliya uga furaya dalka Biljamka ee dhaqaalaha loogu ururrinayo waxaanu ku sababeeyey inay arrimahaasi Somaliya khaas u yihiin maadaama dhaqaalo loogu uruurinayo Somaliya iyo iyada oo ay Somaliya maanta maayso sida uu sheegay halkii ay Somaliland maraysay sanado badan ka hor “waanu lakulanay qolyihii shirkaa kushaqada lahaa waanan ku qancinay inaanaan shirkaa ka qaybgalin waanay iiga garaabeen” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Intaa kadib wasiirka oo su’aalo laga waydiiyey arrimihii ka hadlay waxaana kamdid ahaa “Cabdiraxmaan Faroole waxa uu sheegay inay dhawaan wada hadallo u furmidoonaan Somaliland iyo Puntland maxay yihiin wada hadalladaasi?”
Waxaanu ku jawaabay “Somaliland waa dal xora oo leh xuduudaheedii markaa waanu soo dhaweynayaa cidkasta oo ay danta Somaliland ku jirto inaanu la fadhiisano”
Waxaa kale oo la waydiiyey “waxaad haan jirtay sarkaal UN ka u soo shaqeeyey muxuu yahay hadafkaaga siyaasadeed ee mustaqbalka dambe?” waxaanu ku wajawaabay “marka hore waxaan u mahad naqayaa Banki Moon oo aan wakiil uga ahaa shaqadii aan UN ka ka hayey balse hadii Aad I waydiisay hamigaygu waxa uu yahay waa inaan geed gaabann iyo geed dheerba u fuulo sidii Aan ku raadin lahaa aqoonsiga Somaliland “wasiir waxaan ku waydiiyey adiga ka shakhsiyan waxa uu yahay hamigaaga sigaasadeed ee Somaliland”
Waxaanu ku jawaabay “markii hore ayaan idin idhi haywaydiidiinina arrimaha localka ah ee waxaad wax iga waysiisaan arrimaha caalamiga ah” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Waxaa kale oo la waydiiyey “Hay’addii MSF ee dhawaan ka baxday Somaliya waxay sheegtay inay dhakhtarkii Burco ee ay gacanta ku haysay shaqadeedii joojisay markaa ka xukuumad ahaan wax didhiidha makala samayseen?
Waxaanu ku jawaabay “waan la sameeyey xidhiidh mafrkii Aan dhawaan tahgay N airobi waxaanan u sheegay inaysan dalkayaga ka jirin nabad galiyo darro” waxa kale oo la waydiiyey “Mudane wasiir waxaad sheegtay inaysan Somaliland ka qaybgalinin shirka dhawaan ka dhici doona dalka Biljamka ee Somaliya loo qabandoono hadana waxaad sheegaysaa inay Somaliland diyaar u tahay inay geed gaaban iyo mid dheerba u fuusho sidii ku gaadhi lahyad danaheeda markaa hadii Aad shirkaa dhiniciina ka fadhiisataan oo Aad dhaqaalaha magaca Somaliya lagu bixinayo qaybtii Aad ku lahaydeen ka soo qaadataan maxaa ku jaba ama idiin diidaay?
Waxaanu ku jawaabay “annagu sababta Aanu ku diidayno shirkaa maaha inaanaan dhaqaale u baahnayn balse waxaanu diidanahay annaga oo Aan magacayaga Somalilanad nagu soo casuumin inaanu shirka Somaliya ee uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Skheekh gudooninayo dhinaca ka fadhiisano oo Aan miiska wada fadhiisano Galmudug iyo waxlamida hadiise ay shirkale xattaa annaga Somaliland ahaa noo qabanayaan oo Euda iyo Somaliland ka wada fadiisanayaan waanu soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis wasiirka arrimahad ibadda Somaliland.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com