Wasiirka Madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha kale ee naga maqan in ay dadkooda iyo dalkooda ku soo dhawaadaan oo ay ummadooda wax la qabsadaan, Somaliland Guul iyo Gobonimo (Sidaa Waxaa Yidhi Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuryada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan)
Hargeysa (maantasomaliland):-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Kulankii shalay ay madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku- xigeenka Somaliland ugu sameeyaan qasriga madaxtooyadda wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo Garaadka beesha deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed.
Wasiirku waxa uu shirkaasi iyo sida uu ula dhacsan yahay ku sheegay qoraal kooban oo uu ku soo daabacay mareegtiisa guusha.com, waxaanu ku yidhi “Salaasadii oo Taariikhdu ahayd 20/08/2013, waxaa qasriga Madaxtooyadda si diiran Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ugu qaabileen Weftigii ka socday Deegammadda Fiqi-fuliye, runtii wuxuu ahaa kulan qiimo badan oo taarikhi ah, wuxuu ahaa kulan laab xaadhasho iyo soo dhawayn iskugu jira.”
Wasiirku waxa uu sheegay in kulankaasi ahaa mid dabo socday dedaalo badan oo xukuumaddu gelisay nabadeynta iyo isu soo jiidka dadweynaha reer Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa kulan daba socday dedaalo dheer oo mudo badan socday ugu dambayntiina ku soo gabo gaboobay deeganka Firqi fuliye dhamaadkii bishii hore.”
Aad baan ugu faraxsan nahay in maalintan oo kale soo marto taariikhda Jahmhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxaan dareen farxadeed ku soo dhawaynayaa Ciidankii tirada badnaa ee wehelinayey Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka ee iyagana 20/07/2013 lagu qarameeyey deegaanka Fiqi Fuliye ee gobolka Sanaag,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha kale ee naga maqan in ay dadkooda iyo dalkooda ku soo dhawaadaan oo ay ummadooda wax la qabsadaan, Somaliland Guul iyo Gobonimo
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413