Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waheen oo ku dhex Rafaanaysa Somaliland

Hargiesa (Maant-Somaliland) Waheen oo ku dhex Rafaanaysa Somaliland, Tolow Yaa Ugargaara: Malaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Iskaga Qaldamay

Somaliland warbahiinteedu waxa aay qab laxaad leh ka qadatay dhamaan hawlahii nabadayta ilaayo doorshooyiinkii dalka ka dhacay, hadaba sida aan la wada socono waxaa ka jira Somaliland warbahiin tayadeedu uu aad u sareeyo. Sikastaba ha ahaate warbahiinta lafteedu waxaa aay u bahaan tahaay macaamiil iibiisata ama akhriista. Dadka Somaliland waxaa aay xiiseeyaan waa nabada iyo waxii caqliiga ku fadhiiya ee aanay ku shaqaaysanaay sida warbahiinta Soomaaliya oo kale oo xita ku ciyaarta maskaxada fayoow.

Warbaahiinta Soomaalida waxaad ku arkaaysa Xamar oo kubad lagu ciyaarayo, madaafiic ka dhacayasa, dagaal ka socoda, diyaarado ka duulaya, wufuud ka soo degysa, jamacaaddo laga qalinjabinyo, mayd meel yaala, dhiig dadanaaya, been la iska qoroyo intaas oo dhan waxaa aay u dirayaan maskaxada bani aadanka signal kala duwaan , waxaana aay waxa u dhimayaan maqaamkeedka uu Allah weeyni siiyeey. Hadaaba yadoo inta badan sidaan hore uu soo sheegnaay warbahiinta Somaliland ay tahay mid ku sifooday warhufaan hadana qarabaay weli iskaga qasan tahay meesha ay joogan oo u haysta in Somaliland ay la mid tahay fawdada Soomaliya. Tusale hadaan u soo qaadno. Axmed Xusen waa ninka ka danbeeya wargeeska Waheen waxaan uu qora waxii uu u isticmaalyo startiijiyad siyaasadeed, ha ilaabi Axmed waxa uu ahaa xoghayhii arimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE. Wargeeskan Waheen ee uu Axmed iska le yahay sida uu Abdilahi yusuf uu u lahaan jiray ALLPUTLAND, Cade Muusana HORSEED, halka Jamac Cali Jamacna uu lahaa PUTLANDPOST, waxaa lagu soo qoray in uu iscasiilaayo Wasiirka Maliyadu .

Taas badalkeeda waxaa lagu soo dabacay websitka miyiirka qaba ama caalamiga ah una soo jiiday runti Somililand warbahiinteeda magica waafiya waa Hadhwanaagnewse in uu beeniyeey Wasiirka Maliyadu in uu is casilaayo. Waxaa la ogyahay hawlaha mihiimka ah ee uu qabtay wasiirka Maliyadu oo ah mid aay dadka nadiifta ah aad ugu diirsadeed sida wanaagsan ee xitaa bish Ramadan uu uga farxiiyeey shaqaalllahii dawlada oo mushara koodi oo dhowor bililood ahaa la siiyeey.
Gabogabaadi, waxaa saxaafada looga bahan yahay in ay ahaato mid aanu qabiil iyo qofna iska lahaayn, Dawladana waxaa u taala in ay xeerka saxaafada degdeg u soo sarto si loo kala saaro Saxaafada dhanta ah iyo tau u shaqaaynaysa dano gaar ah.

Hussein Harbi

Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com