Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulaha Madaarka Hargeysa Cabdilaahi Qaasim Obsiiye, ayaa been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay war sheegayay in Madaarka Hargeysa oo aan waxba laga qaban, haddana dib loo xidhay oo sida uu sheegay uu daabacay wargeyska HUBAAL ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa

Madaarka-weyn1HARGEYSA (maantasomaliland):-Maamulaha Madaarka Hargeysa Cabdilaahi Qaasim Obsiiye, ayaa been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay war sheegayay in Madaarka Hargeysa oo aan waxba laga qaban, haddana dib loo xidhay oo sida uu sheegay uu daabacay wargeyska HUBAAL ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa.

Maamuluhu waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo uu si adag ugu naqdiyay wargeyska HUBAAL, Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaanu si mug leh u beeninaynaa war maanta ku soo baxay Wargeyska Hubaal, kaas oo lagu sheegay in Madaarka Hargeysa aan waxba laga qaban, sidoo kalena dib loo xidhay warkaas oo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wuxuu wargeyska Hubaal oo ah mid caadaystey wararka been abuurka ah habeen iyo maalina uu u taagan yahay aflagaataynta madaxda qaranka iyo in uu been ka sheego.

Sida la wada ogyahay laba cisho ka hor ayuu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, cafis u fidiyey masuuliyiinta wargeysa Hubaal, sidoo kalena uu u fasaxay wargeyska oo maxkamada gobolka Hargeysa Xayiraad saartay, ka dib markii ay ku kaceen falal fool xun oo ka dhan ah qaranimada Somaliland, ayna ku cadaatay in ay denbiilayaal yihiin.

Waxaanu ku celinaynaa in aan waxba ka jirin warka uu qoray wargeyska Hubaal, bulshada ay markhaati ka tahay dhamaystirka madaarka iyo sida looga dhigay madaar la mid ah kuwa adduunka, ayna ka soo wada degayaan diyaaradaha adduunka isaga gooshaya.

Waxaanu bulshadda u sheegaynaa in madaarkii furan yahay diyaaradii madaarka Berbera ka degi jireyna ay u soo wareegayaan madaarka caalamiha ah ee Igal International Airport, waxbana kama jiraan warkaa been abuurka ah ee wargeyska Hubaal, kaasoo ee been kagaga sheegay masuuliyiinta Wasaaradda iyo kuwa diyaaradaha.

Shacabka waxaanu leenahay ha dhegaysanina beenta , wararka qayrul masuulnimada ah ee uu faafinayo wargeyskaasi, waana wargeys ka xun guulaha waxqad ee ka hirgalay madaarka caalamiga ah ee Igal, taasoo ay hirgelisay Wasaarada Duulista oo xukuumadda madaxweyne Siillaanyo wakiil uga ah horumarinta madaarrada Somaliland.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com