Qaybtii Labaad Ee Qormadii Maxaad Ka Taqaan Suldaan Siciid ? Iyo Salaadiinta Kale ee Beesha Warsangali?
aqoonyahanka beesha warsangali ee ku nool qurbaha ayaa soo dhaweeyay hadalkii waxtarka lahaa ee wasiirka madaxtooyada somaliland yidhi maanta ee ahaa “Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha kale ee naga maqan in ay dadkooda iyo dalkooda ku soo dhawaadaan oo ay ummadooda wax la qabsadaan, Somaliland Guul iyo Gobonimo.wasiir xirsi
maantasomaliland):-qaybtii labaad ee qormadii maxaad ka taqaan suldaan siciid ? iyo
salaadiinta kale ee beesha warsangali qormadeenii koobaad waxaa ay inoo maraysay in aan
suldaan siciid cabdisalaan oo ku adeeganaya magaca guud ee beesha warsangali balse
aanu suldaan siciid a beelaha kale ee warsangali oo mid
kastaa leedahay (suldaan garaad iyo boqor ) aanu wada matalin guud ahaan
beeshiisa gaarka u ah ee uu lafta uu ka soo jeedo marka laga reebo shaqana aanu
ku lahayn beelaha kale ee warsangali oo mid kastaa ay hogaan ama suldaan boqor
ama garaada u haya talada ay hoos tagaan
waxaa wafdigii uu hogaaminayay boqorka deegaaanka fiqifuliye
garaad cabdilaahi maxamed guuleed oo si baaxad wayn dalka loogu soo dhaweeyay isla markaana uu madaxwaynaha jamhuuryada somaliland mudane siilaanyo iyo madaxwayne xigeenka somaliland
mudane saylici ay shalay si balaadhan ugu qaabileen qasriga madaxtooyada oo ah
mulkihii iyo sharaftii boqorkaasi fiqifliye mutaystay xukuumada iyo tii dhaqan ahaaneed iyo
waliba gogoshii ay xukuumadu u fidisay boqorka fiqi fuliye oo ah oo aanu ku hanbalyaynayno halganka nabad raadinta ee uu galay guul iyo karaamo uu ka mutaystay boqorkaa deegaanka fiqi fuliye shacbigiisa iyo ka xukuumadaiisa
sikastaba ha ahaatee hadaba suldaan siciid oo si been abuur ah usheeganaya
suldaanka guud waxuu si gaaara usocdaa kaligii oo aan cid kale oo dhigiisa ah oo ka soo jeeda beelwaynta warsangali aan
wadan suldaanadii dhigiisa ahaa ee bulsha waynta iyo beelaha kala duwan ee warsangali.
dadkiisii dawladiisii iyo dadnimadiisii,hadabawaxaa aanu suldaan siciid naftiisa aanu
u sheegin oo uu kala garan laayahay beeshii uu ka soo jeeday ee baho majeerteen
iyo boqorka gogosha loo fidiyay isagoo sheeganaya magaca been abuurka ah ee suldaan guud
ee beelaha warsangali.taasina maaha mid dhici karta beel walba oo warsangali waxay leedahay hogaan ama suldaan ama boqor
ama garaad utaliya lana dhiga suldaan siciid cabdi salaan
halka uu isagu suldaan siciid baabiiyay haykalkii saldanimada beelaha warsangali oo
uu la mid yahay sulaadiinta ay leeyihiin beelaha warsangali ee kale
sikastaba ha ahaatee waxaa layaab leh in suldaan siciid maankiisa uu galiyo meel an isaga lga casuumin kalidii
isagoo matalaya beelaha warsangali eeleh sulaadiinta garaadada iyo boqorada
gogoshan nabadynta la xidhiidhayna ay khaas u ahayd beelaha dhulbahante gaar ahaan
beesha deegaanka fiqi fuliye ee uu hogaaminayo garaad
cabdilaahi maxamed oo ah nin karaamo iyo sharaf ku dhex leh beeshiisa
qaybteena labaad waxaan ku soo xidhayaa suldaan siciid waxa uu dhaawacay
guud ahaan magacii beelaha warsangali.waa ta labaade waxaa
uu meel kaga dhacay salaadiintii iyo boqo- radii iyo garaadadii dhigiisa ahaa
ee ay lahaaayeen dhamaan beelaha kala duwan ee warsangali.sidoo kale
waxaa dastuurka somaliland qeexayaa somaliland waxaa dega shan beelood oo kala ah
isaaq, gadabuursi dhulbahante. warsangali iyo ciise sidaasi darteed
suldaan siciid waxa uu jabiyay qodobkaa dastuuriga ah isagoo sheeganaya magac aanu
qaadi karin iyo masuuliyad aanu lahayn
isagoo kaligii ka socda golaha salaadiinta iyo garaadada iyo boqorada ay ka
koobantahay beel waynta warsangali isagoo wata shakhsiyaad uu ku sheego
gudiyo shakhsiyadiisa iyo danihiisa garka ahna ku fushanaya isagoo
sida la sheegay u socda xaga dalka itoobiya caafimaad ahaana u tagaya
isagoo fushanaya kuna takri falaya si qayrul sharciya magacii
golaha salaadiinta beelaha warsangali ee dhigiisa ah
dhinaca kale warar xogogaal ah oo beesha naga soogaadhaya warsangali
ayaa xukuumada iyo madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu suldaan siciid kaligii
matali karin beesha warsangali salaadiintooda iyo boqoradooda iyo garaadadoda isla
markaana hadii ay dhacdaba in kaligii wax laga waydiiyo beesh aanay
haboonayn waayo waxaa jira suldaanadii iyo boqoradii beelaha kala duwan ee warsangali
oo ah in guud ahaan loo fidiyo gogol la mida ta beesha dhulbahante ee bariga .hadii ay taasi dhacdana ay saamayn xun ku yeelan karto
mustaqbalka xalka wadada nabad raadinta beelaha bariga somaliland.sidoo kale suldaan siciid marna xukuumada kuma baraarujin sidii beeelaha kale ee warsangali guud ahaan loo samyn
lahaa gole nabadeed ay u wad dhanyiin dhamaan sulaadiinta iyo garaadada iyo boqorada beesha warsangal
ee isagu xubinta ka yahay
sidookale aqoonyahanka beesha warsangali ee ku nool qurbaha ayaa soo dhaweeyay hadalkii waxtarka lahaa ee wasiirka madaxtooyada somaliland yidhi maanta ee ahaa
in beelaha “Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha kale ee naga maqan in ay dadkooda iyo dalkooda ku soo dhawaadaan oo ay ummadooda wax la qabsadaan, Somaliland Guul iyo Gobonimo.
guntii iyo gabababdii waxaa igu maqaalo ah mar aan kula xidhiidhay telka waxgaradka iyo
aqoonyahanka beesha warsangali iyo qar ka mida salaadiinta kal duwan ee ku kala nool
somaliland ku sugan uu madaxwaynuhu kulan gaara maanta
la yeelan doono suldaan siciid oo aan matalin karin beelwaynta warsan gali
waxaanan usoo jeedinaynaa hadaanu nahay qurba jooga beesha in uu ka fiirsado madaxwaynuhu arintaasi
waxaan qormadaydan kusoo xidhayaa tiisaba daryeelaa tu kale ku dara
la soco akhrastiyaal qaybta sadexaad
yuusuf faarax cali geedi
norway
freelanzer
ahna qurba jooga beesha warsangali