Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland oo maanta khudbad ujeediyey labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka,kagana hadlay arimaha dagaalka maanta kaqarxay bariga somaliland‏

Madaxweynaha Oo Khudbad u Jeediyay Labada Gole
Hargeysa(maantasomaliland)- Madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa saaka khudbad u jeediyey labada Gole Baarlaman [Guurtida Iyo Wakiillada]

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay qorshayaasha xukuumaddiisa ee sannadka 2011-ka, waxaanu yidhi “May jirin qorshe dowladeed oo habaysani, waxay xukuumaddu ku guda jirtaa diyaarinta qorshaha waxqabad ee shanta sannadood (Five Years Plan) ee soo socota oo soo bixi doona laba toddobaad gudahood.

Gobolada waxaanu ka dhisaynaa guddiyo ka talin doona qorshaha horumarinta goboladooda.

Waxaanu hir gelinaynaa Hay’addaha aan dawliga ahayn (Non State Actors) oo aan dhawaan saxeexay, kaas oo wax wayn ka bedeli doona qaabka wada shaqaynta dawladda iyo hay’addahaas.

Waxaanu diyaarinay miisaaniyad sannadeedkii 2011, taas oo dakhliga odoroskeedu yahay lacag ka badan shan boqol oo bilyan (Sh. Sl. 527,720,451,857), taas oo marka la barbar dhigo miisaaniyaddii kal hore ka badan 70%.

Waxaanu kordhinay mushahaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada 100% laga bilaabo bishii janaury ee sannadkan 2011. Waxaa iyana mushahaarada loo kordhiyay mudanayaasha labada gole, Baarlamaankana waxa la hor keeni doonaa sharciyadda.”

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay xeerarka sharci ee ay xukuumaddiisu hor keeni doonto golayaasha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, waxaanu yidhi “Baarlamaanka waxaanu hor keeni doonaa; Xeerka miisaaniyadda qaranka , xeerka Maaraynta iyo maamulka hantida qaranka, xeerka qandaraasyada qaranka, xeerka Hanti dhowrka qaranka. Dhinaca kale waxaanu faafin rasmi ah ku samaynaynaa xeerarka dalka ee ansaxay ee aan hore loo faafin. Waxa kale oo aanu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo dib u habaynta shuruucda cashuuraha wadanka.” Madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Si loo dhiiri geliyo maalgashiga, lahaanshaha gaar ahaaneed iyo wershadaynta, waxaanu dhamaystiriraynaa xeerkii lagu abuuri lahaa bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. Waxaanu golaha horkeenaynaa shuruucda maalgashiga, sida xeerka ganacsiga, xeerka qiimaynta tayada badeecadaha iyo xeerka horumarinta wax soo saarka dalka.”

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu ay gobolada bariga Somaliand ka bedeli doonto sannadkan lacagta gaynbaarta ah ee laga isticmaalo, waxaanu yidhi “Waxaanu bedelaynaa sannadkan lacagta giinbaarta ah ee gobolada bariga dalka lagu isticmaalo oo muddo dheer dalka iyo dadkaba dhibaato ku haysay.”

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda ay xukuumaddiisu ku dhaqayso ama ku kala saarayso shaqaalaha ajanabiga ah iyo kuwa muwaadiniinta ah “Waxaanu soo saaraynaa siyaasad cad oo kala qeexaysa shaqaalaha ajnabiga ah iyo kwua muwaadiniinta ah , xukuumadayadu waxay tixgelinaysaa shaqo galinta haweenka.”

Madaxwaynaha oo ka hadlay qorshaha xukuumaddiisa ee ku wajahan arrimaha bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah waxa uu yidhi “Si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira waxaanu shaqo gelinaynaa sannadkan 61 dhakhtar oo 41 ka mid ahi yihiin ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha caafimaadka ee Camuud iyo Hargaysa, waxaanu iyana shaqo gelinaynaa 382 kalkaaliye caafimaad oo 59 ka mid ahi ay sannadkan ka qalin jabiyeen Edna Hospital, Camuud iyo dugsiga kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Hargaysa.

Waxaanu kor u qaadaynaa tayada waxbarashada ee dugsiyada dawladda. Anaga oo ka duulayna taas, waxaanu shaqaalaynaynaa 1,500 oo macalin oo ka dhigaya dugsiyada hoose dhexe. Waxay xukuumaddu kafaalo qaadaysaa in ay ka bixiso lacagta fiiga jaamacadaha 20-ka arday ee ugu sareeya imtixaanadda dugsiyada sare ee dawladda. Sidoo kale annagoo dhiiri gelinayna waxbarashada hablaha, waxaanu ka bixinaynaa fiiga jaamacadaha 6-da hablood ee ugu sareeya imtixaanada dugsiyada sare ee dawladda, kuwaas oo dheeraad ka ah 20-kii hore.”

“Waxaanu sannadkan 2011-ka dalka keenaynaa Idaacad cusub oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba wada gaadha, taas oo wax weyn ka tari doonta waxbarashada, caafimaadka iyo nabadgelyada.” Ayuu yidhi Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha iyo siyaasaddiisa ku aadan arrimaha dibada waxa uu yidhi “Waxaanu kor u qaadaynaa xidhiidhka aanu la leenahay wadamada jaarka ah. Waxaanu ka hawl galaynaa sidii aynu xidhiidh dhaw ula yeelan lahayn wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Annaga oo kor u qaadayna xafiisyadii wakiillada Somaliland ee dibadda, waxaanu xafiis cusub ka furaynaa Koonfurta Sudan, iyada oo aynu ognahay ahmiyadda ay Somaliland u leedahay in ictiraaf buuxa la helo , waxay xukuumaddaydu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaysaa sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.”

“Ururada siyaasadda: Ballanqaadkayagii hore wuxuu ahaa in aanu ogolaanayno furashada ururada siyaasadeed si sharciga waafaqsan, wax iska bedelayna ma jirto. Hase yeeshee, arrintani waa mid u baahan wada tashi iyo talo qaran, sidaa aawadeed, annaga oo ku joogna dhaqankeenii ahaa talo wadaagga, waxaanu dhakhso uga yeelanaynaa talo qaran.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxwaynuhu waxa uu shaaciyay wakhtiga ay dalka ka qabsoomayso doorashada golayaasha deegaannadu, waxaanu yidhi “Aniga oo tix-raacaya go’aankii uu golaha guurtidu ku muddeeyay doorashada golayaasha deegaannada, waxaanu qabanaynaa doorashada dawladaha hoose sannadkan gudihiisa, taas oo suurta gelinaysa kobcinta geedi socodka dimuquraadiyadda aynu dhabadeeda hayno. Maalinta doorashada, waxaa cayimi doona Komishanka doorashooyinka.”

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu intaa ku daray “Shaki kuma jiro sidii aan horeba u sheegay in aan saluugsanahay muddo kordhinta dheer ay golaha guurtidu u sameeyeen labadan aqal (Guurtida iyo Wakiillada). Haddana aniga oo ixtiraamaya go’aanka sharciyaddiisa, waxaa hubaal ah in ay qarankan dhiig bax ku tahay in saddex sanno oo isku xiga 2013, 2014 iyo 2015 uu dalkani galo doorashooyin. Sidaa darteed waxaan golaha guurtida ka codsanayaa in labaddaa doorasho ee Baarlamaanka la isugu raro 2013.”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay natiijada diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada waxaanu yidhi “In kasta oo doodi ka taagan tahay tayada diiwaan gelitna cos bixiyayaasha aynu haysano, waxa xaqiiqo ah in la sixi karo godaloolooyinka yar yare e ku jira, waxaan soo jeedinayaa in la qabyo tiro wixii ka dhiman. Isla markaana la diiwaan geliyo da’yarta qaangaadhay intii ka dambeysay. Waxaan ku kalsoonahay in Komishanka doorashooyinka qaranku ay dabooli doonaan masuuliyaddan, sidii ay horeba ugu guulaysteen. Gacan buuxdana waanu ka siinaynaa gudashada xilkooda.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha gobolada Sool iyo Sanaag bari iyo sida ugu haboon ee xal looga gaadhi karo tabashooyinka siyaasadeed ee jira waxa uu yidhi “Aniga oo garawsanaya dib u dhaca ka jira dhinaca horumarka gobolada Sool iyo Sanaag bari, waxay dawladdani ku dadaalaysaa sidii ay kor ugu soo qaadi lahayd. Sidoo kale, waxaanu diyaar u nahay in tabashooyinka siyaasadeed la isaga qanciyo si wanaagsan iyo walaalnimo leh.”

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu intaa raaciyay “Muddo badan ayaa Somaliland ku soo jirtay xafiiltan iyo xurgufo ka dhex taagan golayaasha sharci dejinta, xukuumadda iyo axsaabta. Sidaa darteed:

Mudanayaal iyo Marwooyin; si aynu u xaqiijino hadafka qaranka iyohimilooyinka aynu hirgsanayno,w axa lagama maarmaan ah in ay ku dedaalno jawi is kaashi iyo wada shaqayn, aniga iyo xukuumaddayda waxaa ka go’an in aanu si hagar la’aan ah idiinla shaqayno, idinkana waxaan mar labaad idinka codsanayaa in aad gacan buuxda na siisaan, xeerarka idin horyaalana aad ansixisaan, sida:

-Xeerka Miisaaniyadda,

-Xeerka Isgaadhsiinta

-Xeerka Hay’adda NDC

-Xeerka Nabadgelyada
-Xeerka Maamul Dejinta;

Annaga oo og ahmiyadda xisbiyada mucaaridka ahi u leeyihiin dalka, waxaanu soo jeedinaynaa in si xilkasnimo iyo isku duubni ah lagu waajaho hawlaha danta qaranku ku jirto. “

“Aniga waxa aad igu taqaaneen in aan marwalba difaaco xoriyadda saxaafadda iyo madaxbanaanida fikirka muwaadinka. Maantana waxaan la taaganahay oo aan dalkana ku hogaaminayaa dhaqankaas. Waxaanu dulqaad u leenahay dhaliisha. Hase yeeshee saxaafadda laftigeeda waxaa looga baahan yahay masuuliyad iyo bisayl xirfadeed.” Ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo.

“Waxay Culimada door weyn iyo masuuliyaddi ka saaran tahay ilaalinta Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo Amaanka, waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira, si aan da’yarteena loogu marin habaabin fikirado xagjir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.” Ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay u midoobaan ilaalinta qarannimada iyo horumarkooda, kana foojignaadaan xeeladaha cadowgooda, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada ku howlan.

Mudane Axmed Siilaanyo gabagabadii khudbaddiisa waxa uu ILLAAHAY ka baryay in dadka Abaarahu hayaan uu ka soo jebiyo raxmaadkiisana u shubo, waxaanu yidhi “ILLAAHAY waxaan ka baryeynaa in uu Roobka inoo shubo, abaaraha inaga dul qaado. ILLAAHAY waxaan ka baryaynaa in uu tubta toosan, towfiiqda iyo talada wanaagsana ina waafajiyo.”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com