Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Suldaan Daad-qaaday
HARGEYSA (maantasomaliland):-Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday 21/08/2013 Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu dhambaalkaasi tacsida ahi u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhammaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsi-yadaynaaya geerida ku timid SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday 21/08/2013 Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland, Hubka dhigistii ciidamada iyo wada noolaashaha beelaha Somaliland.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in marxuumku yahay tiir ka mid ah tiirarka madax-dhaqamka oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Geesta kalena waxa maanta maydka marxuumka la helay maanta duhurkii waxaana lagu aasayaa galabta magaaladda Hargeysa.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413