Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Ka Hadlay Khasaaraha Dagaalka Saaka Ka Dhacay Kalshaalle‏

Hargeysa (maantasomaliland)-Kalshaale:- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya Qorilugud iyo Buuhoodle, ayaa saaka dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyada kooxda SSC oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday abbaaro 6:00 subaxnimo fadhiisimada Ciidamada qaranka ee jiida Kalshaalle, waxaana halkaasi ku dhintay 8 qof oo ka tirsan labada dhinac.
Maleeshiyada weerarka soo qaaday waxa ka dhintay 4 qof, halka ay 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay deegaankaasi waxaanu sheegay in maleeshiyada nabad diidka ah ee SSC ay soo weerareen ciidanka qaranka, waxaanu tilmaamay in sadex jiho laga soo weeraray ciidanka qaranka.
“Abbaaro 6:00 subaxnimo waxa kooxda nabad diidka ahi ay sadex jiho ka soo weerareen ciidanka qaranka iyagoo adeegsanayay hubka culus ee BM-ka iyo madaafiicda, waxa ciidanka qaranka dagaalkan kaga geeriyooday 4 askar, halka 12 askari oo kalena ku dhaawacmeen,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka oo u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da.
Taliyuhu wuxuu intaasi ku daray in laba askari oo ka tirsan Ciidanka qaranka la waayay oo loo malaynayo in kooxdaasi nabad diidka ahi ay gacanta ku dhigeen.
Gen. Taani wuxuu sheegay inay jabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday oo ay xiligan ku sugan yihiin fadhiisimadii ay ka soo duuleen.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidanka qaranku ay u tudheen dadweynaha ku dhaqan degmada Buuhoodle, oo ay kooxda nabad diidka ahi ay dhufays ka dhigteen dadweynihii.
Gen. Nuux Ismaaciil Taani wuxuu sheegay in maleeshiyadani ay ku qalabsanaayeen hub culus isla markaana ay wateen laba kaare.
Taliyuhu wuxuu dadweynaha reer Buuhoodle u soo jeediyay inaanay gacan siin kooxaha fadqalalada ka wada deegaankaasi.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in la geeyay maydad iyo dhaawacyo kale in kasta oo aan tiradooda la xaqiijin.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta sheegay inuu ka xun yahay weerarada lagu soo qaaday ciidamada qaranka ee ku sugan dhinaca NBuuhoodle, waxaanu sheegay inuu ku kalsoon yahay inay ciidamaddu iska difaaci doonaan weeraradaasi, waxase uu amray ciidammadda qaranka inaanay waxyeelayn dadweynaha caadiga ah.warkan oo aanu kasoo xiganay BBC qaybteeda afka soomaaliga khuhadasha,waxa uu taliyaha ciidanka qaranku sheegay in malayshiyaadkani ay dhexgaleen shacbiga kunool buuhoodle.

Xuseen xarbi
maantasomaliland.com
Hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com