Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ku qabtay Kulan Loogu Magac daray “Habeenka Wadaniyadda iyo Horumarka Somaliland”.

Hargaysa(maantasomaliland):-Kulankan Wadaniyadeed waxa ka soo qayb-galay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland, Baarlamaanka,Culimo-awdiinka

Unugga Wadaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell) waxa uu habeenkii xalay ahaa ku qabtay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Kulan Aad u baladhan Oo si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkana lagu lafo-guray Muhiimada ay wadaniyaddu u leedahay Horumarka Bulshada iyo Qaranimada JSL.

Kulankan Wadaniyadeed waxa ka soo qayb-galay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland, Baarlamaanka,Culimo-awdiinka, Ururada Bulshada, Ardayda Jaamacadaha iyo Gudoomiyayaasha Jamacadaha Somaliland.
Ugu Horayn waxa furay kulankan Gudoomiyaha Unugga Wadaniyadda Xamse Suldaan Aadan waxanu u mahad naqay Dhamaanba Muwaadiniinta Sharafta leh Ee Madax iyo Mijaba wakhtigooda qaaliga ah u hibeeyay Horumarinta Dhulka Hooyo, waxanu ka sheekeeyay wakhtigii la aasaasay Unugga iyo Ujeedooyinka Unugga Wadaniyadda Loo aasaasay oo ahaa in bulshada Somaliland lagu beero Dareen wadaniyadeed oo xoogan oo ku salaysan Iskaashiga , Wax wadaqabsiga, istixgalinta, is aqoonsiga iyo isutanaasulka Si loo helo bulsho isku-xidhan oo u heelan Horumarka Dhulka Hooyo Ee Somaliland.
Intaas Ka dib Da’yarta Unugga Wadaniyaddu waxay Goobtaas ku soo bandhigeen Vedio Maqal iyo Muuqaal ah oo ka tarjumaayay wax qabadyadii unugga iyo sida ay Bulshada wadaniyadda u gaadh siiyaan Gaar ahaana Ardayda Dugsiyada si looga badbaadiyo Tahriibka, Qaadka, Qabyaalada iyo wixi la mida looguna Beero Waddan Jacayl dhaba laguna dhiiri-galiyo inay ka qayb-qataan Horumarka Somaliland.
Waxa kale oo lagu soo bandhigay Goobta Ruwaayad ka hadlaysay Muhiimada Wadaniyadda iyo wax wada qabsigu u leeyahay Bulshada sidoo kalana waxa goobtaas lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka JSL.
Gudoomiyihii Hore Ee Unugga Wadaniyadda Khadar C/raxman C/lahi ayaa si mug leh uga warbixiyay Qoshaha Unugga Ee Sanad ka 2011 iyo Carqaladaha Horyaala Habsami u socodka Hawlaha wadaniyadda waxanu ugu baqay shacabka Reer Somaliland inay yar iyo waynba ka qayb galaan Ololaha wadaniyadda.
Masuulka Arimaha Maaliyada ee Unugga Muna ayaa sidoo kale ku adkaysay aqoonyahanka madasha fadhiyay inay Talo iyo Taageeraba la barbar istaagaan Hawlaha wadaniyadda ee ka socda Dalka JSL.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa aad ugu mahad-naqay Unugga Wadaniyadda isla markaasna sheegay inaytahay hawshani wax lagu farxo oo muhim ah waxanu yidhi wasiirku “ Waddani-nimada waxa lagu macneeyaa DAREEN, Dareenkasi wuxu kugu xidhayaa dad anad garanahayn waxana lagu muujin kara wadaninimada HURID inaad Naftaada, Maalkaaga iyo Wakhtigaba u hurto Dadkaaga iyo Dalkaaga waxanu balanqaday inay dhankooda ka qayb-qadandonaan Hirgalinta Wadaniyadda iyo Horumarka bulshada.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Ahmed Cabdi Xaabsade ayaa Sheegay inay Kaalintii wadaniyadda maanta ku jirto Qabyaaladu loona bahanyay in bulshada lagu beero wadaniyadda waxa kaluu Sheegay wasiirku Inay samayn-donaan dhawaan Radio iyo TV caalam koodhan laga dhagaysto lagana dawado, waxanu balan-qaday wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galintu inay kaalintooda ka qadan-doonan hawsha wadaniyadda waxanu balan qaday wasiirku inay dhalinyartan u ogolandonaan inay Barnaamij Wadaniyadeed ku yeeshaan TV-ga iyo Radio-ga Qaranka Somaliland oo ay u Fududayn doonan dhinaca wacyi-galinta wadaniyadda inay Adeegsadan Warbaahinta Qaranka Somaliland
Marwo Faadumo Siciid ibraahim oo ah Gudoomiyaha Hay’ada ODHA ayaa Xustay Qiimaha waddan Jacaylku u leeyahay Bulshada talo na ku soo jeedisay in Ardayda Jamacadaha ee hormuudka u ah hawshan wadaniyadeed gacan lagu siiyo fikirkan wanaagsan ee u horseedi kara Bulshada Horumar iyo Badhaadhe, waxayna balan-qaday Marwadu inay Hiil iyo Hooba la barbar istaadi doonto Wacyi-galinta wadaniyadda.
Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Samo-falka Qaranka Somaliland oo ay soo wakiilatay Marwada 1aad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Waris aya sidoo kale aad u soo dhawaysay Hirgalinta wadaniyadda oo ay sheegtay inay tahay shayga kaliya ee maanta bulshadeena ka maqan waxayna sheegtay inay Ardayda Jamacaduhu yihiin kuwii isbedal kii dalka ka dhacay horseedka u ahaa waxayna balanqaday inay Naf iyo Maalba la barbaristaagi doonto Hirgalinta wadaniyadda oo ah Aas’aaska Horumarka Bulshada.
Sheekh Almis Xaaji Yaxya Oo ah Gudoomiyaha Jaamacada International Horn University (IHU) ayaa Ku tilmaamay wadaninimadu inay tahay wax cajiib oo ka qayb-qaata isku-xidhka iyo Horumarka Bulshada waxanu sheekhu balan-qaaday In ay ka jamacad ahaan Barbar istaagi doonan Hawshan wanaagsan ee uu wado Unugga Wadaniyadda Somaliland Garab iyo Gaashana ay u noqon donan Hawlaha Wadaniyadda.
Gudoomiyaha Jamacada Hargeysa Prof. Muuse Cabdi Cilmi ayaa Ku tilmaamay inay Tahay maanta wax lagu farxo inay Ardaydii Jamacaduhu wadaan Hawl lagu diirsado oo ah Waddan Jacayl waxanu sheegay in jaamacada Hargeysa ay sanadkan Wiigi Dhaqanka ( Cultural Week Of Hargeisa University) ay kaga hadli donan Wadaniyadda iyo Muhiimada ay u leedahay Bulshada sidoo kalana ay samayn donaan Student Union.

Eng. Xaashi oo ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Hargeysa ayaa isago ku hadlaaya Magaca Dawlada Hoose Ee Casimada waxa uu Balan-qaday inay ka dawlad Hoose ahaan ku dadaali-donaan Hirgalinta Xarun Balaadhan oo ay helaan Unugga Wadaniyaddu Mustaqbalka Dhaw, si xaruntaasi u noqoto Ceelkii Wadaniyadda ay ka cabi lahaayeen dhamaanba Bulsho waynta Somaliland.
Mujaahid Axmed Muxumed Madar Oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Maamul Wanaaga Qaranka iyo Ladagaalanka Musuq maasuqa, Fu’aad Aadan Cadde oo ah Lataliyaha Madax-waynaha JSL ee arimaha Bariga, Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Baarlamaanka JSL, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Mudane Baashe iyo Maxamed Isaaq oo ah Gudoomiyaha Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom ayaa Dhamaantoodba ka waramay Muhiimada ay wadaniyaddu u leedahay Horumarka Bulshada dhamaantoodna waxay balan-qaaden inay Talo iyo Tusaalaba la barbar istaagi doonan Hirgalinta Wadaniyadda.

axmed cabdilaahi jaamac
maantasomaliland.com
Hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com