Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka gaashaandhigga somaliland oo kawaramay xaalladda dagaal ee buuhoodle maanta gelinkii hore.‏

Buuhoodle, Feb, 07, 2011-(maantasomaliland)- Dagaalkii ugu xummaa ee muddooyinkan danbe ka dhaca gobolka Buuhoodle oo sababay khasaaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa dhexmaray ciidammada qaranka Somaliland ee ku sugan Deegaanka Kalshaale iyo kooxda nabad-diidka SSC.

Wararka aanu ka helay jiida hore ee dagaalku waxay sheegayaan in saaka waaberigii kooxda SSC ay dagaal gaadmo ah shan goobood kaga soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland ee jooga jiida Kalshaale iyo Haggoogane oo halkaa u joogay gurmad ay ku kala dhex galeen laba beelood oo dhawaan uu halkaa dagaal ku dhexmaray.

Inkasta oo aan si rasmiya loo hubin khasaraaha dhabta ah ee uu dagaalkani sababay, haseyeeshee sida dad ka dhaw labada deegaan oo aanu teleoonka kula xidhiidhnay noo xaqiijiyeen waxay tirada dhimashadu gaadhaysaa 8 dhimmasho ah oo affar ka mid ahi ka tirsanyihiin ciidammada qaranka iyo affar ka tirsan maleeshiyadda SSC, iyadoo wararku intaa ku darayaan inay jiraan dhaawacyo tobaneeye ku dhaw oo labada dhinacba ah.

Dagaalkan oo la sheegay inuu iskii u joogsaday gelinkii danbe ee maanta, islamarkaana ay ciidammada qaranka Somaliland ku suganyihiin goobihii lagu soo weeraray, iyadoo kooxda SSC dib ugu laabatay meelihii ay duulaanka ka soo qaadeen ee dulleedka Buuhoodle.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo maanta gelibkii hore warbaahintu kula kulantay Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, ayaan ka hadal khasaraaha dhabta ah ee ka dhasha dagaalka, isagoo ku gaabsaday in ciidammada qarabku iska difaaceen weerarka kooxda SSC ku soo qaaday, ““Saaka lixdii aroornimo ayay falaagada SSC weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland, waxaanan idiin sheegi karaa in ay iska waabiyeen isla markaana dhirbaaxo kulul ku dhufteen.
Waxa aan u soo jeedinayaa ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dibada kaga iman, kara waxaanan aad ugu kalsoonahay in ay cadawgooda iska dhicin karaan” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo saaka khudbad dheer ka jeediyay fadhi wada jira oo ay isugu yimaadeen Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada, ayaa Goleyaasha qaranka iyo shacabka ugu baaqay inay difaacaan ciidammada qaranka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan maqlay in saaka la soo weeraray ciidammaad qaranka ee jiida hore, anigoo ku kalsoon inay iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta, waxaan farayaa goleyaasha qaranka, shacabka iyo ciidammadu in laysu taago difaaca qaranka.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
Hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com