Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland mr.xaabsade oo kasoo jeeda beelaha buuhoodle iyo laascaanood Oo Ku Eedeeyay Kooxda SSC-Da Masuuliyada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Kalshaale, Digniin Culus U Diray Kooxdaas.kuna tilmaamay,koox nabad-diid ah!

Hargeysa (maantasomaliland) Feb. 08, 2011- Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta, ku eedeeyay kooxda SSC-da in ay masuul ka ahaayeen dagaalkii ku dhexmaray deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada jabhada SSC-da, kaas oo sababay khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhawaac keenay.

Md Xaabsade waxa uu sheegay in kooxda SSC-du ay caadaysteen in falal amni darro ah ay had iyo jeer ka abuuraan deegaamada Buhuudle iyo Sool, si ay u kiciyeen shacbiga ku nool jiidahaas oo ay ku beer laxawsanayaan hayb qabiilnimo, waxaana uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay difaacada xuduudaheega haddii ay la soo wareero, waxaana uu yidhi wasiirku” kooxada nabaddiidka ahi waxa ay caadaysteen in wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin is ay khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxa ay doonayaan in ay fadqalalo ka aburaan mandaqada Buhuudle iyo Laascaanood waxa ay sidaas sameeyeen markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan beelaha lacagta u soo dira”

Wasiir waxa isaga oo hadalkiisa wada sheegay in kooxda SSC-da ay dadka ku nool Magaalooyinka Laascaanood iyo Buhuudle ay ka dhaadhiciyaan in la gumaysto, waxa uu yidhi” kooxdan waxa ay ka dhaadhiciyeen dadka ku nool deegaanada Laascaanood iyo Buhuudle in la gumaysto, waxaan u sheegayaa shacbigaas in aanay jirin cid gumaysataa waana dad walaalo ah oo daga dhulkaas.”

Hadalkan ka soo yeedhay wasiir Xaabsade ayaa noqday kii ugu horeeyay ee noociisa ah ilaa in uu noqday wasiirka bishan horaanteedii, ka dib markii ay uu maalintii shalay dagaal ba’ani dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo falaagada SSC-da.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com