Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Talaabo Wuxuu Ogaa Iyad Oo Dalka Uu Ka Taliyo Rayaale, markaa inta aanu geynayno dhakhtarka dhimirka yaan loo qaadan nin miir qaba” Xildhibaan Dhugad

Hargeysa, February 8, 2011 ) – Xildhibaan Cabdilaahi Xirsi (Dhugad) ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal doraad ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenkii hore ee Cadaalada Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo, kaas oo uu ku sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu maskax ahaan u caafimaad qabin.

Dhugad waxa uu dhamaanba dadkii dhibsaday hadalkaas Wasiir Xigeenkii hore ee cadaalada ka raali geliyay, waxaanu xusay in ay beeshoodu isu diyaairanayso sidii ay Yuusuf Ciise ugu gudbin lahayd cusbitaalada lagu dabiibo dadka dhimirka wax ka qaba.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu ka soo baxay xarunta golaha wakiilada oo uu ka dhacayay kulankii uu Madaxweynaha Somaliland labada gole ugu khudbadaynayay, halkaas oo uu qaar saxaafada ka mid ah kula hadlay, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa maanta jira waxyaabo badan oo aan inaga qarsoonayn, waxa socda hawlo qaranimadeena baabiinaya oo waxa socda shirar la doonayo in dib loogu mideeyo Somalia, oo wasiirkii arrimaha dibadu waxa uu u duulay si uu uga qayb galo shir loo qabanayo qolada koonfurta Somalia”

hadalkaas hadal haynta badan ku dhaliyey dadwaynaha reer Hargeysa ayaa waxa waxa ka jawaabay, isla markaana weedho kulkul kaga jawaabay Xildhibaan Cabdilaahi Xirsi Dhugad oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida, waxaanu sheegay in Wasiir ku xigeenkii hore ee cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo aanu maskax ahaan caafimaad qabin, waxaanu dhamaanba dadkii dhibsaday hadalkiina u sheegay in aanay waxba ka soo qaadin.

Xildhibaan Dhugad ayaa carabka ku dhuftay in Wasiir ku xigeenkii hore ee cadaaladu ka dib markii doorashada lagaga guulaystay xisbigoodii in uu xisku ka tagay, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Talaabo waxa uu u ogaa iyada oo uu dalka ka taliyo Daahir Rayaale, markii ay dawladii hore dhacday waxaan ahaa ninkii damiintay inaan kiis lagu qaadin, markaa kolba wuu iga muruxsanayey markaa intaanu geynayno dhakhtarka dhimirka yaan loo qaadan nin miir qaba”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com