Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HogaamiyayaashUDUB iyo UCID oo ku tilmaamay mid lagu deg-degay shirka London ee uu ka qayb Galay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland xisbiyadda mucaaridka ee .

HogaamiyayaashUDUB iyo UCID oo ku tilmaamay mid lagu deg-degay shirka London ee uu ka qayb Galay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland xisbiyadda mucaaridka ee .

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ee ka qayb-galayna waxa uu sameeyey Khiyaamo,..

Hargaysa(maantasomaliland);Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasin ayaa si wada jir ah ugu Eedeeyay Xukuumada Siilaanyo shirka looga hadlayay Arimaha somaliya ee uu ka qayb galay wasiirka Arimaha somaliya mid lagu deg-degay,iyaga oo ku tilmaamay ka qayb galka Somaliland ee shirkaasi mid khiyaamo qaran ah.

Labadan masuul oo maanat u waramayay laanta Afka Somaliga ee Idaacaa BBC-da,waxay sheegeen in Somaliland qaranimadeedu ay tahya mid aan ka qonosho lahayn isla markaana aanay cidna gor-gortan kala gelaynin.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin
ahna Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB,ayaa sheegay in ay xisbi ahaan arintan hore uga hadleen,waxaanu soo jeediyay in ay goleyaasha baarlamaanku u yeedhaan wasiirka Arimaha Dibada si wax looga waydiiyo arintaasi.kuna talinayaan xisbi ahaan in awasiirka Ariamaha dibada la waydiiyo arintaasi “anagu Xisbi ahaan waxaanu soo jeedinaynaa in goleyaasah Baarlamaanku ay u yeedhaan wasiirka si wax looga waydiiyo arrintaa”.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa kale oo uu intaasi ku daray in uu qabo in ay arintu sida loo arko haatan ay ka balaadhan tahay maamulada somaliya laga dhisay sida Gal-mudug,Ximin iyo Xeeb iyo kuwo kaleba ay yihiin kuwa la doonayo in lagu xumeeyo Somaliland.

Guddoomiyahs Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in arintan laga yeesho talo qaran,waxaana uu Faysal intaasi ku daray in shirkaasi ka dhacay Magaalada London uu ahaa mid looga hadlayay dib u heshiisiinta somlaiya wasiirka Arimaha diabda Somaliland ee ka qayb galayna uu sameeyay khiyaamo qaran isla markaana ka been sheegay shirkaasi iyo wixii looga hadlayay “shirkaasi wuxuu ahaa mid lagaga hadlayay ariamah somaliya,Wasiirka arrimaha dibada somaliladn ee ka qayb-galayna waxa uu sameeyey Khiyaamo, waxaanu been ka sheegay Shirkaas iyo waxyaabihii lagaga hadlaayey”.

Eng Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu sheegay in ay madaxwaynaha Somaliland arintan kala hadleen una sheegeen in shirka uu ka qayb galay wasiirka Arimaha dibadu uu yahay mid Somali wayn ah.waxaana uu intaasi ku daray in xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ka leexatay wakhtigan wadadii ariamah Somaliland laguna aamini Karin hogaaminta dalka “ Xukuumadda Madaxweyne Siilaan-yana way ka leexatay dhabihii Somaliland imika wixii ka dambeeyana laguma aaminaayo Hogaaminta dalka”.

hargaysa/office
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com