Burco(Maantasomaliland)- Ciidamada qaranka somaliland oo ay weheliyaan gaadiidka kala
Burco(Maantasomaliland)- Ciidamada qaranka somaliland oo ay weheliyaan gaadiidka kala
duwan ee dagaalka ayaa ku sii qulqulaya degaanka kalshaale ee dhawaan dagaalku ka dhacay.
Ciidamadan qaranka ayaa la sheegay inay biiri doonaan cutubyadii hore ee halkaasi ku sugnaa,sidoo kale,wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo iyo saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan ayaa la filayaa inay ilaa berito soo gaadhaan magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer,halka qaar kalena uga sii gudbi doonaan dhinaca magaalada laascaanood ee gobolka sool.
Ilaa shalay ayaa waxa muuqanaya abaabulada iyo diyaargarowga xoogan ee ay ku hawlan yihiin masuuliyiinta xukuumada somaliland ,kuwaasoo tilmaamaya in markale dagaal culusi ka qarxo degaanka kalshaale.
Geesta kale,degaanka buuhoodle ayaa wararka ka imanaya sheegayaan i
abaabul balaadhani ka socdo halkaasi. iyadoo ay soo gaadheen wasiiro ka tirsan maamulka puntland kuwaasoo ilaa hada jooga degmada buuhoodle
xuseen xarbi hargesa