Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuxurka Qodobadda Lagaga Wadahadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo la Yeeshay Salaadiinta Somaliland

Nuxurka Qodobadda Lagaga Wadahadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo la Yeeshay Salaadiinta Somaliland
Thursday, 10 February 2011

Hargeysa (maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qasriga madaxtooyadda

kulan kula yeeshay Qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo ka kala socday deegaannada kala duwan ee dalka.
Ma jiro war rasmi ah oo madaxtooyaddu ka soo saartay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo sallaadiinta, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo kulankaasi u dhuun daloola, waxa ka qaybgalay ilaa 30 suldaan oo ay ka mid yihiin sallaadiinta faca weyn ee reer Somaliland, iyada oo kulankaasi oo dalbaday madaxweynaha Somaliland.
Nuxurka qodobada madaxweynaha iyo salaadiintu ka wada hadleen, waxa ugu muhiimsanayaa xaaladaha guud ee Somaliland, gaar ahaan shaqaaqada ka taagan deegaannadda Buuhoodle iyo sidii arrintaa loo soo afjari lahaa, iyada oo dhinaca kalena la isla soo qaaday sidii loo sii wadi lahaa gogoshii nabadda ee madaxweyne Siilaanyo u fidiyey odayaasha iyo madaxdhaqameedyadda deegaannada shaqaaqadu ka taagan tahay.
Waxa kale oo madaxweynaha Somaliland iyo salaadiinta kulanka la yeeshay ka wada hadleen sidii loo fulin lahaa go’aankii madaxweynuhu ku gaadhay in la aaso baraagaha dhibaatadu ka dhacday ee deegaanka kalshaale, isla markaana dalka looga difaaci lahaa kooxaha rabshadda wadda ee duulaanka ku soo qaaday Somaliland, iyada oo labada dhinacba isla qateen in kulamo joogto ah laga yeesho hadba xaaladaha ku soo kordha Somaliland si tallaabadda laga qaadayo looga yeesho tallo qaran.
Sida ila-wareedyadu sheegeen waxa madaxweynuhu salaadiinta xogwaran guud ka siiyey xaaladda Somaliland iyo dagaaladda ka cusboonaaday deegaannada Buuhoodle ee ay ka dambeeyaan kooxaha nabadiidka ah ee xidhiidhka la leh argagixisadda maamulka Puntland taageerto, iyada oo salaadiintuna dhinaca sheegeen inay aad uga xun yihiin shaqaaqadda ka dhacday deegaannadaas, isla markaana waxay madaxweynaha iyo qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyeen dhimashadda iyo dhaawaca ciidanka qaranka ka soo gaadhay shaqaaqadda ka dhacday deegaanka Kalshaale.
Ugu dambayntiina waxa salaadiintu madaxweynaha Somaliland ka codsadeen inuu sii daayo Boqor Raabbi iyo tifaftiraha wargeyska madaxabannaan ee Waaheen Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), codsigaasi oo madaxweynuhuna dhinaciisa aqbalay.
Waa markii ugu horraysay ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo salaadiinta Somaliland kulan isugu yimaadeen tan iyo wixii ka dambeeyey mudadii dagaaladda iyo shaqaaqadu ka bilaabantay deegaannada Buuhoodle.

xuseen xarbi
hargaysa/office
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com